WorldRemitAds
“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,
 Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,
 Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,
 Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,
 Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,
 Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”
Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 3aad
Intan aan immika diyaarinayay qormooyinkan taxanaha noqon doona ee Mujaahid Bashiir, ayaan xaaskayga Mujaahid Faadumo-cawo weydiiyay Maryan oo ay Bashiir walaalo yihiin oo ay isku yaqaanneen Xaafadda Kood-buur, meel Saldhigga Booliska bari kaga dhejisan. Mujaahid Faadumo-cawo waxay ii sheegtay maalintaas in ay qof ahaan u taqaannay Bashiir oo uu ugu iman jiray gurigayagii Jigjiga. Wuxu ku soo maray maalintan uu u soo ambo-baxayay Hargeysa ee uu shahiiday. Waxay xusuusataa sidii uu ugu faraxsanaa in uu Hargeysa ku socdo. Waxa kale oo uu u sheegay in ay dalka dhakhso u xoreyn doonaan oo si deg-deg ah dalkii loogu wada noqon doono. Waxay intaa iigu dartay in ay aad u dareentay intii yareyd ee uu la joogay sida uu qabyaaladda u nebcaa. Keligay ma aha ee xataa qoyskayga ayaa helay fursaddaa ay Mujaahid Bashiir ku barteen. Qof farxaan ah oo qalbi furan ayuu ahaa sidii ay Mujaahid Faadumo-cawo ii sheegtay.
BashiirMaalmahan ayaa iigu horreysay in aan go’aansado in aan Mujaahid Bashiir si hagar-la’aan ah wax uga qoro. Horeba hindisuhu wuu iigu jiray, laakiin is-ma aan lahayn macluumaadka aan immika helay oo kale waad helaysaa. Macluumaadkan aan cuskanayaa laba ilood oo muhiim ah ayay ka soo burqadeen:
  1. Xubno ka mid ah qoyskiisa iyo xigto aad ugu dhow,
  2. Dadkii la soo hawl-galay ee ay ciidammada wada ahaan jireen, gaar ahaan kuwii ay ka wada hawl-geli jireen sahankii gudaha ee la yabka lahaa,
Dhalashadii Maxamed Ibraahin Xirsi (Mujaahid Bashiir):
Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi oo loo yaqaannay ama magac-dagaaleedkiisu ahaa Mujaahid Bashiir, wuxu ku dhashay magalada Geed-ballaadh, 1956kii sida uu ii xaqiijiyay walaalkii Cabdiqani oo loo yaqaanno Abaadir. Waxa kale oo iyaduna sidaas aamminsan oo ii sheegtay Maryan oo da’ ahaan ku xigtay isaga. Hooyadii waxay ahayd Caasha Sheekh Cabdillaahi Ciise, waxaanay ku dhimatay magaalada Hargeysa muddo immika laga joogo lix sannadood ka hor, sida ay saaka (10/9/2015ka) ii caddaysay Maryan oo aan Hargeysa ku booqday saaka meheraddeeda Degmada Kood-buur ku taal. Waxa kale oo ay Maryan ii sheegtay in aabbaheed Ibraahin Xirsi Kaahin, isaguna ku geeriyooday magaalada Hargeysa, bishii Oktoobar 1993kii.
Qoyska Reer Ibraahin Xirsi
Ibraahim XirsiAniga oo xogtan ka martiyay Cabdiqani Ibraahin Xirsi (Abaadir) oo ay Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) walaalo ahaayeen, bal aan si aad u kooban u dul-marro xubnihii qoyskaas, wax nool iyo wax dhintayba.
Ibraahin Xirsi Kaahin oo odeyga reerku ka tafiirmay ahaa, wuxu ku dhashay Geed-ballaadh, waxaanu noolaa 1909kii-1993kii. Halkaas ayuu ku koray, kuna soo barbaaray. Waxay ahaayeen xoola dhaqato geelley ah. Geel badan ayuu lahaa, waxaanu la dhashay oo ay walaalo ahaayeen Xasan Xirsi Kaahin iyo Maryan Xirsi Kaahin.
Xasan Xirsi Kaahin
Xasan Xirsi Kaahin, wuu dhintay waxaanu ka tegay laba wiil oo kala ahaa Ismaciil iyo Cismaan. Xasan markii uu dhalay labadaa nin ayuu ku dhintay dagaal ka dhacay geelal la kala qaaday oo Ogaadeenka dhex maray. Xaaskiisii oo ahayd Faadumo Maxamed Askar waxa dumaalay Ibrahin Xirsi Kaahin, waxaanu ahaa guurkiisii ugu horreeyay.
Maryan Xirsi Kaahin
Waxa guursaday Gahayr Odowaa, waxaanayy dhashay afar wiil iyo afar gabdhood. Waxay Bashiir xidhiidh fiican lahaayeen oo ila immika reerka ku xidhan Xaashi Gahayr Odowaa oo Mujaahid weyn ahaa.
Cismaan Xasan Xirsi
Xukuumaddii Siyaad Barre ayaa ku toogatay Hargeysa horraantii 1987kii markii gurigiisa laga soo saaray qori AK47 ahaa oo Bashiir ku aasay. Garo’ oo waxa Cismaan la tooganayaa dilkii Axmed Aadan ka dib. Wuxu ka tegay afar wiil iyo laba gabdhood oo dhammaantood hooyadood la nool.
Ismaaciil Xasan Xirsi
Ismaaciil waa uu ka weynaa Cismaan. Markii Cismaan la toogtay ayuu dumaalay xaaskiisii oo ahayd Xasna Ceelaabe, waxaanay u dhashay inan keliya waanu nool yahay, waana dhallinyar. Ismaaciil wuxuu dhintay miyiga markii aynu dalka soo galnay.
Caruurtii Ibraahin Xirsi Kaahin
Bah-Faadumo Maxamad
Axmad Ibraahin Xirsi
Curad dhashay 1940kii, wuxu ku dhintay Gabilay 1986kii isaga oo markaa aroos ah. Waxa la sheegay in uu wadnuhu is-taagay. Geeridiisa murugada ka soo gaadhay abbihii Ibraahin Xirsi aad iyo aad ayay u xanuun badnayd. Cabdiqani xanuunkii maalintaas aabbihii gaadhay wuxu ku sifeeyay in uu ku dhawaaday sidii Nebi Yacquub in uu indho-beelo. Waxay ahayd tii ugu naxdinta badnayd ee abidkii soo marta.
Aw-Maxamad Ibraahin Xirsi
Wuxu dhashay 1945kii. Wuu nool yahay, waxaanu deggen yahay Calool-la’, waa xaas carruurna weli ma yeelan.
Caasha Ibraahin Xirsi
Waxay dhalatay 1950kii, way nooshahay waxaanay leedahay 13 caruura,
Sadexdaasi isku bah ayay ahaayeen waana bahda waawayn hooyadoodna waa:
Faadumo Maxamad Ducaale Askar,
Waa Bahdii ugu horreysay ee Ibraahin Xirsi Kaahin oo dumaal ahayd. Markaa ka dib ayuu guursaday Bahdiisii labaad oo ahayd Caasha Sheekh.
 (La soco berri, qaybta danbe)

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.