Muqdisho, Somalia, December 14, 2015 (Saxafi) – Shir ay Xukuumadda Somalia soo qabanqaabisay oo loogu magacdaray shirka wada-tashiga doorashooyinka 2016-ka ayaa shalay ka furmay magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Somalia, kaasoo ay ka qaybgaleen dad lagu sheegay inay matalayaan Somaliland.
Shirkan ayaa ujeedadiisa lagu sheegay inay la xidhiidho sidii looga tashan lahaa doorasho ka dhacda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya sanadka 2016 oo sidda qoraalka loo dhigay ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Waxana uu daba socdaa shir hore oo bishii July 29-30-keedii ka qabsoomay magaaladdaasi.

Xogtan oo Wargeyska Saxafi ka soo xigtay bug ka hadlaya ujeedada shirka oo magaciisu yahay hagga fududaynaya hawlaha shirka “FACILITATION GUIDE” ayaa waxa lagu xusay oo ka muuqda hanaan loogu yeedhay tabaha loo marayo geedi-socodka kullamo xidhiidhsanaa oo la doonayay in la qabto ka hor madal loogu yeedhay tan loo dhanyahay ee shirka wada tashiga Qaran. Kaasoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu go’aamiyo qaabka doorashadda iyo deegaanadda ay ka dhacayso sidda la wariyay in kasta oo aanay weli saansaantii doorashadaasi muuqanba. Iyaddoo sidoo kale lagu xusay in la doonayo in wax la isu soo jiidjiido ayaa qodob ka mid lagu qorey in shirkas ay ka soo qayb geli donan wakiilo ka socda qaabiilka ku dhaqan Somaliland. Buggas oo luuqada afka ingirisiga ah ku qorna oo aanu turjunay qodobada lagu soo qaadaneyo Somaliland uu dhigna sidan, “Tabaha Lo Marayo geedi-socodka isku xiga kulamada ugu horeya oo loo wada dhan yahay Madasha Wadatashiga Qaranka;

Wakiillada la taliyayaasha ah ee ka socda gobol walba waxa hoggaamin doona guddi hawleed, iyaddoo ka soo qayb-galayaasha ama wakiilada gobolada ka socda ay ka mid yihiin ururada rayidka ah, hogaamiyayaasha bulshada, ganacsatada, haweenka, dhalinyaradda, odayaasha iyo dadka laga tirada badan yahay”