WorldRemitAds

“Madaxweynuhu markay doorashooyin noqoto dhex uma aha xisbiyada, qofka ka doonaana waa qof aan habeen jirin, madaxweynuhuna xisbi buu leeyahay, xisbigiisa oo murrashax leh buu dhisayaa”

Hargeysa, Somaliland, December 1, 2016 (Saxafi) – Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee xisbiga KULMIYE, ahna xubin ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga Md. Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa jawaab ka bixiyey`dhaliilo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI u jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE.

Cabdikariin Xinif oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta, waxa uu deedafeeyey sas iyo qaylo-dhaan uu xisbiga WADDANI ka muujiyey shir uu madaxweynaha iyo xubno wasiirro ahi dhawaan magaalada Burco kula yeesheen cuqaal iyo waxgarad beel ka mid ah beelaha Gobolka Togdheer, kaasi oo lagu taageeray xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynenimo Muuse Biixi Cabdi, waxaannu meesha ka saaray marin-habaabin xubno ka tirsan xisbigaasi mucaaradka ahi ka bixiyeen shirkaasi, isagoo caddeeyey in shirarka noocan ahi yihiin wax weligoodba jira.

SomlegalAds

Isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Somaliland intii ay jirtay laga soo bilaabo Marxuum Cabdiraxmaan Axmed ilaa maantadan aynu joogno reero iyo beelo way wada shirayeen, Madaxweyne iyo beelo way wada shirayeen, habeen walba madaxweynayaasha dad af reer ku hadlaya oo dan ay leeyihiin ka hadlaya ayaa iyagoo reero ah la shirayey, inta bandanna waxa horkici jirey waxa ay ahaayeen wasiirro uu Siciid Sulub ka mid ahaa xilligiisii, waqtiyadii ka horreeyeyna wasiirro uun baa wadi jirey, ceebna kumay ahayn madaxweyneyaashaasna dembi kumay ahayn, cidina kuma dhaliili jirin, waqtigan aynu joognana waxaad mar walba madaxtooyada ugu gelaysaa reer madaxweynaha la shiraya, madaxweynuhuna reero isu tagay oo qaran noqday ayuu madaxweyne u yahay, danona way wada leeyihiin, danona way kala leeyihiin, kuwooda gaarka ahna inay madaxweynaha kala shiraan ceeb maaha.”

“Ceebta uu Siciid Sulub sheegayaa ma madaxweynuhu inuu  Burco reer kula shiraybaa, mise waa reerka uu la shiray inay madaxweynaha isku deegaan ka soo jeedaan, labadaas midka uu wax ku ceebaynayo ha inoo caddeeyo, wasiirradu marna waa wasiirro qaran, marna waa dad ka soo jeeda deegaanno, madaxweynaha iyo wasiirraduna beelahaas ulama ay shirayn arrin dawladeed ee waxay ula shirayeen arrin xisbi, madaxweynuhuna waa madaxweyne qaran, laakiin marka ay doorashooyin noqoto dhex uma aha xisbiyada, qofka ka doonaana waa qof aan habeena jirin, madaxweynuhuna xisbi buu leeyahay, xisbigiigusana murrashax buu leeyahay oo uu dhisayaa, Madaxweynuhu xisbiga KULMIYE ayuu ka soo jeedaa, waana aasaasihiisii, waana odaygiisii, suurtogalna maaha inuu Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro u sinnaado, Siilaanyo waxa xisbigiisa u murrashax ah Muuse Biixi Cabdi, suurtogalna maaha inuu madaxweynuhu yidhaahdo saddexdaas nin baa sharraxane kii aad doonaysaan u codeeya, waayo isagu Komishankii Doorashooyinka maaha ee waa madaxweynihii xisbiga kasoo baxay. Axmed Siilaanyo wuxuu ka soo jeedaa Gobolka Togdheer ololaha xisbigiisa ayuu u dhex fadhiisanayaa Burco iyo deegaankiisa oo uu odhanayaa codka siiya Muuse iyo KULMIYE, xaasha inuu yidhaahdo Muuse iyo Cirro u qaybiya codka, hana ka filanina waa idiin nacasnime,” ayuu yidhi Xinif.

Cabdidkariin Xinif waxa uu xusay in is-xulafaysiga deegaannada iyo aragtiyaha ku dhisani yahay caado ay isticmaalaan axsaabta Qaranku, isaga oo hoosta ka xarriiqay in xisbiga WADDANI laftiisu arrintaas si weyn u isticmaalay, waxana uu yidhi, “Xulafada iyo is-bahaysigu nolosha noolaha oo dhan bay ka mid tahay oo jiritaanka xisbiyada ayey ka mid tahay, xeerarkeenuna waxay qorayaan doorashada laba xisbi cod kuma midoobi karaan, halkaas waxa ka cad inay dadku wax kale ku midoobi karaan ama deegaanno haku midoobaan ama aragti haku midoobaane, cidina kama maaranto xulafo ay la noolaato, siyaasadduna way kasii xag-jirtaa, xisbiga WADDANI-na isaga oo guddoomiye leh, ayuu sameeyey Guddoomiye-ku-meelgaadh ah oo uu sameeyey hoggaamiye oo uu sameeyey murrashixiin xisbiga ka tartamayey oo uu qaarkood si dadba u qaatay, waxaas oo dhammina waa xulafo raadis iyo taageero deegaamo raadis.”

Mar uu ka hadlayey qaylo-dhaan iyo xajiimayn saraakiil WADDANI katirsan kaga fal-celiyeen  weedho wasiirraddii u kala dambeeyey Wasaaradda Maaliyadddu ka jeediyeen shirka Madaxweynuhu kaga qaybgalay Burco dhawaan, waxa uu sheegay inuu hadalkaasi sax ahaa oo aan wax qadaf ahi ku jirin, “Wasiir Samsam iyo Cabdicasiis Samaale iyaga oo deegaan kasoo jeeda haddii ay deegaan la hadleen oo yidhaahdeen cod baanu idinka doonaynaa waxaan filayaa inaanay ceeb ku ahayn, codadkana deegaanona waa loo kala doon doonayaa, xisbiyona waa loo doon doonayaa, waxa inaga dhexeeyaan waa tartan, Samsam haddii ay tidhi Muuse deegaanka uu kasoo jeedaa cod buu siiyey madaxweyne Siilaanyo ee idinkuna keena dambi kumay galin ee way ku saxnayd, wax qof lagu fadeexadeeyana maaha, qabyaaladna kumay hadlayn.”

Waxa kale oo uu intaas ku daray Cabdikariin Xinif, “Siciid-ow haddii ay ku dhibayso iyo haddii aanay ku dhibaynba Wasiir Samsam hadalkeedii way ku saxsanayd, qabyaaladna kuma ay hadlayne haddaad qabyaalad diidayso adiga, Duur iyo odaygii Chief caaqilka sheeganayey maxaa iskiin soo raaciyey ee weliba aad gabadh ugu goobateen. Hadiise xisbigiinii oo dhammi aas Samsam isu soo wada qaawiseen ragba maxaad isku soo gaadhi doontaan oo aad ololaha la gaadhi doontaan? Haddiise xisbigiinii oo dhan rag iyo dumarba aad isu soo wada qaawiseen Samsam ragba maxaydun isku soo gaadhi, Muuse Biixi maxaydun isku soo gaadhi oo ololaha la gaadhi? Taasi muujinaysaa in xisbiga WADDANI gabigiisaba inay nagaga filantahay ololahayaga in aannu u dirno hablo miidhan oo raggayaguba iska nasto, habluhu waa kuwii markii horena xisbiga soo saaray, iminkana inay soo saarayaan shaki kuma jiro. Calaacalka, hungada iyo taageero la’aanta ay xisbiga WADDANI ka arkeen gobolka Togdheer ayaa qaylada intaas le’eg ka keentay.”

Cabdikariin Xinif waxa uu meesha ka saaray hadallo si gaar ah uga soo yeedhay wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee xukuumaddii Daahir Rayaale, kaas oo sheegayey in xisbiga KULMIYE lagu doortay arrin qabyaalad salka ku haysay, isaga oo caddeeyey in fadhiidnimadii xukuumaddii UDUB horseed ka ahayd guushii uu KULMIYE gaadhay, “Maamul-xumadii waqtigaas jirtay iyo 8 sanno oo xukuumaddii uu Siciid Sulub ka tirsanaa dadku ka qancay waxtar la’aanteedii iyo dibin-daabyadeedii ayuu dadku KULMIYE ku raacay, qabiilna kuma raacin, tolla’ayna kuma raacin, Siciid-na isagaa habeen walba Siddeetan ama afartan oday oo isku raas ah Daahir Rayaale horfadhiisinayey oo ugu hanjabayey dhab Libaax baad ku fadhidaa Rayaale-ow, qabyaaladna KULMIYE laguma doorane fadhiidnimadii xukuumaddii xisbigii UDUB ayey ahayd,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Cabdkikariin Xinif.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.