WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, December 1, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey degmada Sheekh iyo magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha iyo madaxda wehelinaysa oo qayb ka ahaa weftigii Madaxweynaha ee gurmadka xaaladda abaarta u tagay gobollada bari ee Somaliland, balse kaga hadhay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, kadibna soo maray Gobollada Saraar iyo Togdheer, ayaa soo gaadhay Gobolka Saaxil shalay.

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Sheekh iyo tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi, iyadoo dadweyne badani si diirran ugu qaabileen jidka wayn ee laamida ah, kadibna xaflad maamuus ah ugu sameeyey gudaha magaalada Sheekh, halkaas oo la isku xog-waraystay, isla markaana Guddoomiyuhu uga warramay socdaalkiisa. Waxa kaloo Murrashax Muuse Biixi booqday dugsiga Sare ee hoyga SOS oo uu kormeeray qaybihiisa, waxaannu warbixin ku siiyey maamulka dugsiga.

SomlegalAds

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa waxa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil oo masuuliyiinta heer gobol iyo degmo iyo dadweyne kaleba kaga hortageen duleedka magaalada, intaas kadibna waxa casuumad qado sharaf ah loogu sameeyey huteelka Maansoor ee xeebta Batalaale.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaadhaafi) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka Guddoomiyaha iyo weftigiisu ku saabsan tahay xogogaal u noqoshada xaaladda abaarta daran ee ka jirta gobollada bari ee Somaliland, isla markaana taakulooyin badan oo isugu jira raashin, biyo iyo hu’ba la gaadhsiiyey inta badan dadka abaartu saamaysay oo ku kala sugan meelo kala duwan oo afarta Gobolka ee dhanka bariga ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.