WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 1. 2016 (Saxafi) – Guddi hoosaadka arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee golaha wakilada Somaliland, ayaa ka guddoomay xeerka qabyo qoraalka doorashooyinka aqalka Wakiiladda Somaliland.

Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Cabdillaahi Black) oo uu wehelinayo xildhibaan Bashiir Tuukale ayaa shalay ka gudoomay masuuliyiin ka socday ururka SONSAF iyo NAGAAD oo uu wehelinayo xubin ka socday wadamada caalamiga ah ee Somaliland ka taageera dhinaca arrimaha doorashooyinka, islamarkana kala shaqeynaya diyaarinta xeerka qabyo-qoraalka doorashooyinka aqalka wakiilada, waxana ugu horayn xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige isago tafaasiil ka bixinaya xeerkan uu yidhi “Xeerkan wuxuu bilaabmay iyadoo ay iska kaashanayey hay’da SONSAF iyo gudiga arrimaha gudaha bishii March ee sanadkan 2016 bu bilaabay oo ay hay’du iyo gudigu ku soo mareen gobolada dalka oo dhan, marka munaasibada maanta (shalay) waxa ay ku saabsan tahay gebagabaynta ama soo xidhitaanka hawshii ay wada wadeen gudiga arrimaha gudaha iyo hay’da SONSAF.”

Dhinaca kale, agaasimaha hay’adda SONSAF Maxamed Axmed Maxamud Barwaani ayaa isaguna sheegay in safarkoodi ay ku soo mareen dhamaan 6-da gobol ee dalka, islamarkana ay waraysteen ilaa 1,500 oo qof (kun iyo shan boqol), waxaana hadalkiisu uu u dhigna sidan “Waxa muddo 6 bilood ayaanu hawshan si wada jir ah u wada waday sidii runtii gundhig ama araar wanaagsan laga gaadho arrimaha qabyada ka ah xeerkan golaha wakiilada, marka runtii waxa aanu ku guulaysanay araar in runtii araar faro badan gobolada dalka laga soo ururiyey ila 1,500 oo qof la waraystay ra’yiyo faro badan la waydiiyey talooyin badan dadku ka bixiyeen waxyaabaha qabyo ka ah xeerkan golaha wakiilada.

SomlegalAds

Marka runtii maanta (shalay) waxa aanu halkan ku wareejinayna xeerkii sida uu sheegay xildhibaanku Cabdilaahi uu sheegay qodobka saami-qaybsiga golaha wakiilada gobolada iyo degmooyinka aanu xeerkan ku jirin, laakiin qaybihii kale runtii illaa %50 ku dhow lagu kordhiyey qodobo muhiim ah.”

Ugu dambayntiina, agaasimaha ururka dalada haweenka ee NAGAAD Nafiisa Muxumed Yuusuf ayaa sheegtay in xeerkan ku saabsan doorashooyinka aqalka baarlamaanka Somaliland sida ku cad ay rag iyo haweenku isku xuquuq yihiin, islamarkaana xeerku wax u dhimayaa ama uu kordhinayo haweenka xildhibanada aqalba wakiilada Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.