WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 1, 2016 (Saxafi) – Warar naga soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in deegaanka Gumbur Libaax oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Burco uu dagaal ku dhex maray labada beelood oo wada deg deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran dhuleed oo laysku haysto, waxaanu sababay dagaalkani dhimashada hal qof iyo dhaawac kale.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer mudane Maxamed Diiriye Xayd  oo warbaahintu wax ka weydiisay xalay dhacdadan shalay iyo khasaaraha uu sababay dagaalkani iyo waxa uu ka dhashay ayaa waxa uu xaqiijiyay in dagaalkani uu ka dhashay muran dhuleed oo gacan biyood ah isla markaana uu sababay dhimashada hal qof, dhaawacna uu jiro waxaana gudoomiye ku xigeenka oo ka hadlaya arrinkaasi uu yidhi sida tan “Haa wuu jiraa shaqaaqadaa yari dhimashadu waa hal qof, dhaawacna waa jiraa laakiin, wali tiradooda lama xaqiijin, waxa dagaalku ka dhacayna waa muran dhuleed oo gacan ah, waxaanu dhacay ilaa galabta”sidaas ayuu yidhi gudoomiye Maxamed Diiirye Xayd

SomlegalAds

Maxamed Diiriye Xayd gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer oo aanu wax ka waydiinay in labadaasi ciidan maleeshiyaad la kala dhex galay oo ciidan goobta gaadhay iyo inkale ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan. “Haa goobta markiiba ciidan waa gaadhay waa habeenimo iminka oo waa la kala dhex fadhiyaa anaguna inaan ka daba baxno ayaa suuro gal ah oo arrinka galno, markaa ciidanka ayaa ku kala dhex jira”sidaas ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.