WorldRemitAds

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa baasaboorka rasmiga ah ee Dalkiisa, ku maamuusay aktarka Steven Seagal oo dhalashadiisu tahay Maraykan, kaas oo sanad ka hor, dalka Ruushka u guuray, kana codsaday Madaxweyne Vladimir Putin inuu dhalashada Ruushka Siiyo.

Kulan loo qabtay baasaboor siinta Aktarkii Hollywood Steven Seagal oo ka dhacay aqalka looga taliyo dalkaas Kremlin-ka Caasimadda Moscow, ayuu Madaxweynaha Ruushku ku siiyay baasaboor, cadaynaya in Steven Seagal yahay muwaadin Ruush ah oo ku abtirsada dhalashada Ruushka.

Steven Seagal ayaa ka mid noqotay ajaanib tiro badan oo waddamada reer galbeedka ka soo jeeda, oo baasaboorka dalka Ruushka soo codsaday kuwaas oo sida ay ku doodeen siyaasada madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin aad ula dhacay.

SomlegalAds

Waxa kale oo xusid mudan in madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump uu laftiisu si cad u muujiyay, sida uu siyaasada iyo kartida hogaamiyaha Ruushka uu ula dhacsan yahay, iyo siduu u doonayo inuu la saaxiibo iskaashina la yeesho.

Waana sababtii keentay in Madaxweynaha xilka banaynaya ee dalka Maraykanka Barack Obama iyo xisbiga Dumuqraadiga dalka Maraykanku sida fiinta uga qayliyaan, kuna ololeeyaan in Donald Trump yahay musharax Ruushku soo dirtay oo lagu soo weerarayo dalka Maraykanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.