WorldRemitAds

Dalka Aljeeriya ee waqooyiga qaarada Afrika ku yaala, ayaa baqoor diiq sideed cisho socon doonta u samayn doona, hogaamiyihii kacaanka dalka Kuba Fidel Castro oo sabtidii shalay ku dhintay caasimadda dalkiisa ee Havana.

Xukuumada dalka Aljeeriya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday baroor diiqdan sideeda cisho socon doonta, taas oo sida lagu sheegay bayaan dawlada dalkaasi soo saartay, noqon  doonta mid rasmi ah oo calanka dalka hoos loo dhigi doono, idaacadaha iyo telefishanadana laga joojin doono heesaha iyo muusiga badan.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Cabdi Casiis Botafliiqa ayaa lagu cadeeyay in muddo sideed cisho ah loo baroor diiqi doono Madaxweynihii hore ee dalka Kuba ahaana hogaamiyihii kacanka Shuuciga ah ee dalkaas Fidel Castro.

SomlegalAds

Fidel Castro ayay warbaahinta dalka Aljeeriya ku tilmaantay saaxiib qaran oo ka wada baxay labada shacab ee Kuba iyo Aljeeriya, waxaanu telefishanka Qaranka dalka Aljeeriya baahiyay sawirada Hogaamiyihii Kuba ee Dhintay Fidel Castro oo ku labisan dirayska Xulka Qaranka Aljeeriya, markii uu dhawr bilood ka hor u dabaal degayay 90-jirkiisi.

Hogaamiyihii Kacaanka Shuuciga ah ee dalka Kuba Fidel Castro ayaa dalka Aljeeriya booqday sanadihii 1972-kii iyo 1976-kii, waxa kale oo uu sanadkii 1973-kii, ka qayb galay shir waynihii dalalka siyaasadoodu dhex dhexaadka tahay ee caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeeris ka qabsoomay.

Sidoo kale Madaxweynihii ugu horeeyay dalka Aljeeriya Axmed bin Balma ayaa isna booqday dalka Kuba sanadkii 1962-kii, oo ku beegnayd wax ka dib markii dalka Aljeeriya xornimadiisa qaatay, waxa kale oo isna dalka Kuba booqasho rasmi ah ku tagay madaxweynaha wakhtigan ee dalka Aljeriya Cabdi Casiis Botafliiqa sanadihii 2000 iyo 2009-kii.

Sidoo kale raysal wasaaraha dalka Aljeeriya Cabdi Maalik Salal ayaa ka mid ahaa Madax tiro badan oo waddamada saaxiibada la ah dalka Kuuba oo bishii hore ee October cusbitaal ku yaala caasimadda dalka Kuba ee Havana ku booqday Fidel Casrto.

Dalka Aljeeriya ayaa shacabka ku dhaqan boqolkiiba shan iyo sagaashan Muslimiin ah, mana dhicin in dalkaasi hore baroor diiq qaran ugu sameeyo hogaamiye diinta Masiixiga aaminsan oo aan Muslim ahayn, waxaana inta la og yahay dalkaasi uu baroor diiq u sameeyay Boqorkii Hore ee dalka Sucuudi Arabiya Faysal Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud iyo Hogaamiyihii dalka Masar Jamaal Cabdi Naasir.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.