WorldRemitAds

Suxufiyad lagu magacaabo Genila Massa, ayaa noqotay wariyihii ugu horeeyay ee iyadoo xijaaban ka soo baxda telefishanka dalka Kanada, taas oo ka akhriday warkii caalamka iyo dalkaas ee telefishanka City News Oo ka mid ah kuwa loogu daawashada badan yahay dalka Kanada.

Genila Massa, oo asalkeedu ka soo jeedo dalka Panama, kuna dhalatay isla Panama waxa ay dalka Kanada timi iyadoo hal sano jirta, waxaanay ku soo barbaartay magaalada Toronto halkaas oo ay ku muslimtay kuna qaadatay diinta Islaamka.

Genila Massa, oo noqotay suxufiyadii ugu horaysay dalka Kanada ee iyadoo Xijaaban war ka akhrida telefishanka aadka loo daawado ee City News, ayaa waraysi ay siisay jariirada Guardian ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, kaga warantay dareenkeeda iyo sida ay ula muuqato inay ku sifowdo suxufiyadii ugu horaysay ee iyadoo xijaaban war ka akhrida telefishan ku yaala dalka Kanada.

SomlegalAds

Waxaanay tidhi, “Waxaan aad ugu faraxsanahay shaqadayda telefishanka City News oo ii suurta gashay anigoo xijaabkayga xidhan inaan gudan karo, xili ay nacaybka iyo cuqdada loo hayo Muslimiintu aad u badan tahay.

Suxufiyad diinta Islaamka qaadatay ee dedaalka u gashay sidii ay telefishanka loogu daawashada badan yahay dalka Kanada uga soo bixi lahayd iyadoo xijaabkii Alle (SW), ku waajibiyay ku labisan ayaa sidoo kale u mahad naqday maamulka telefishanka ay ka shaqayso ee City News telefishan oo aan shardi kaga dhigin inay xijaabka iska saarto.

Bil ka hor ayay ahayd markii booliska dalka Kanada lagu daray askariyad xijaaban, waxaana ku guulaysatay oo noqotay gabadh asalkeedu Somaliyad yahay, taas oo iyada lafteedu ka mid noqotay haweenkii ugu horeeyay ee iyagoo xijaaban hawlahooda shaqo loo ogolaado inay gudan karaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.