WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 1, 2016 (Saxafi) – Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir ayaa sheegay in koox dhalin-yaro oo uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan madaxda xisbiga Waddani ay dhaawacyo gaadhsiiyeen, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay weerarkaas inay u geysteen Mulkilaha Wargeyska Somaliland Today, Muniir Axmed Cigaal iyo Weriye kale oo ka hawl-gala telefiishanada madaxa banaan oo la yidhaahdo Cali Mahdi.

Aqoonyahanka oo ugu horrayn sharraxay sababta lagu weeraray, ayaa waxa uu yidhi,“beryahan dambe waxan soo bandhigayey maqaallo ay karaahiyeysteen xisbiga WADDANI, liddina ku ah oo aan ku eedaynayey Federal, hoggaamiye-kooxeedyo halis ah iyo qabyaalad hubaysan, kadib waxan warbaahinta mariyey maqaal aan aragtidayda ku cabirayo. Waxa markii ay saacaddu ahayd 11:30am, hawlgal halis ah oo uu ka dambeeyo wasiirkii hore ee madaxtooyada oo ah ninka isku sheega hoggaamiyaha WADDANI  igu soo qaaday ciidankiisii oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii wargeyska Today oo ah ninka magaciisa beddelay ee Muniir iyo nin yaroo Cali-mahdi la yidhaahdo oo saxafi sheegta, balse aan ahayn, ayaa  aniga oo nin u sheekaynaya ninka Muniir la yidhaahdaa hanjabaad wejiga ah iyo dagaal igu qaad qaaday, waana hawlgal uu WADDANI Ka dambeeyo”.

Waxa uu caddeeyey in koox tiradoodu gaadhayso ilaa toban nin ay iskugu tageen, kuwaas oo uu qaarkood magacaabay, “Koox taabacsan WADDANI, ayaa nimankaas la socday oo tiradoodu tahay ilaa toban nin oo ii cadhaysnaa oo lahaa ninkani siduu Xirsi wax uga sheegayaa oo haddii aan Muniir ahay wax iiga sheegayaa, isagaana kayar ee Cali-mahdi soo adeegsaday, laakiin waan la dagaallamay oo dhulkaan dhigay, laakiin waa la iskugu kay tegay”ayuu yidhi aqoonyahan Jaamac Jiir.

SomlegalAds

Isaga oo baaxadda dhaawacyada gaadhay ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi, “Gacanta dhaawac baan ka qabaa oo way I jaban tahay, foolka saree e dhinaca midigna wuu I saaran yahay, markii dagaalku dhammaadayna ninka magaciisa beddelay ee Muniir lagu sheego ee Xirsi u shaqeeya, ayaa ninkii  ila dagaallamay gaadhigiisii kula baxsaday.”

Mar uu ka hadlayey cidda uu sida gaarka ah ugu tirinayo weerarka lagu qaaday waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanu ka tanaasuli doonin mabda’iisa siyaasadeed iyo aragtida uu aaminsan yahay “anigu inanka yar xaalkiisa waxba uma arko, laakiin ninka falkaas ii geystay ee dhaawacyada ii geystay waa ninka magaciisa beddelay ee Muniir la yidhaahdo, weligayna mabda’ayga siyaasadeed kama hadhi doono, haddii la igu dilayo iyo haddii la igu aflegaadaynayaba, waxana la igu soo qaaday weerar argagixiso”ayuu yidhi Jaamac Jiir.

Ugu dambayntii waxa uu shaaciyey inuu kooxda dhaawaca gaadhsiisay sharciga la tiigsan doono, isla-markaana aanu ka hadhi doonin, waxana uu yidhi, “Hay’adaha ammaanka waxan ka codsanayaa in wiilka yare e Muniir iyo wiilasha la socday si degdeg ah sharciga loo horkeeno oo sharciga la waafajiyo.”

Ciidanka Bileyska ee Saldhigga Dhexe ee Hargeysa ayaa la sheegay inay xalay caweysinkii Mulkiilaha Wargeyska Somaliland Today ugu tageen Hoteelka Suldaan, isla markaana u kaxeeyeen dhinaca saldhiga halkaas oo su’aalo lagu weydiiyay, hase yeeshee sida uu Bartiisa Facebook-ga ku sheegay Muniir Axmed Cigaal lama xidhin balse bileysku waxay su’aalo ka weydiiyeeen eeda loo jeediyay, taas oo uu dooday inaanu isagu waxba ka ogeyn sidaas bileysku ku soo fasaxay oo aan xoriyadda laga qaadin. Hase yeeshee, Aqoonyahanka ayaa Muniir iyo raga kale ee la socday ee uu ka mid ahaa Cali Mahdi ku eedeeyay inay si wada-jir ah u soo weerareen isla markaana dhaawacyada ku yaala ay u geysteen.

Sidoo kale, waxa falkaasi cambaareeyey Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SECJA, waxaaanu qoraal ka soo saareen ku dhaliileen qaabka foosha xun ee weerarka loogu qaaday aqoonyahan Jaamac Jiir oo ah nin mar walba aragtidiisa soo bandhiga.

Ururka SECJA oo arrintaasi cambaaraynaya waxa uu yidhi “Waxaa uu canbaaraynayaa Weerarka bahalnimada ah ee Lagu Dhaawacay Aqoonyahan Jaamac Cilmi Siciid (Jiir) oo ah muwaadin madax banaan oo fikirkiisa ka dhiibta siyaasada Somaliland

Jaamac Jiir ayaa siduu sheegay waxaa weerarkiisa uu dusha ka saaray xisbiga Waddani gaar ahaana hogaamiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xassan oo uu ku sheegay inuu u soo adeegsaday koox weriyayaal ah iyo dablay kale.

Jaamac Cilmi Jiir waxaa nabaro iyo dhaawac laga gaadhsiiyay wejiga iyo gacan isagoo laga saaray cusbitaalka guud ee Hargaysa oo lagu dabiibayay kadib markii weerarku dhacay oo ku beegnayd 11 duhurnimo isagoo ku sugan hotelka Xaraf ee magaalada Hargeysa

Cabudhinta, hanjabaada iyo dhaawaca loo gaysto saxafiyiinta iyo dadka fikirkooda dhiibta ayaa mudooyinkanba kusoo badanayay Somaliland waxaana aanu ugu baaqaynaa hadaanu nahay ururka saxafiyiinta Secja inay siyaasiyiintu ka waantoobaan falalka noocaasi ah.

Dhanka kale waxaanu si adag uga dalbanaynaa ciidamada amaanka ee Somaliland inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka danbaysay weerarka loo gaystay aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir isla markaana sharciga la horkeeno

F.G. ururka saxafiyiinta Somaliland ee Secja waxaa uu baadhayaa kooxdii falkaas ku fulisay aqoonyahan Jaamac Jiir oo lagu soo weeraray ka dib markii uu fikirkiisa ku dhaliilay xisbiga mucaaridka ee Waddani maalintii shalay oo shirjaraaid ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.