WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 10, 2018 (Saxafi) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo) ayaa shalay tababar u soo xidhay qaar ka mid shaqaalaha waaxda Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Qaar ka mid ah Wasaaradaha kale ee Somaliland, tababrkaas oo muddo shan cisho ah uga socday hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo ay shaqaalaha ka qayb-galay ku baranayeen nidaamka cusub ee diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka oo ku salaysan xeerka Maamulka Maaliyadda ee Caalamiga ah ee loo yaqaan PFM, kaas oo ay Wasaaradda Maaliyadda u guurtay inay ku shaqayso.

SomlegalAds

Munaasibaddii xidhitaanka ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Mr. Cabdikariim Ibraahim Saleebaan, ayaa ka waramay muddadii tababarku socday wixii lagu bartay waxaanu sheegay inay shaqaaluhu muujiyeen inay ka go’antahay barashada nidaamkan cusub, isagoo dhinaca kalena amaanay macalinkii tababarkaas bixinayey, waxaanu xusay inuu ahaa tababarkani mid muhiim u ah nidaamka cusub ee loo diyaarin doono Miisaaniyadda Qaranka sannadaha soo socda.

Madaxa waaxda dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, sharciyaqaan Xasan Faarax Maxamed oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda uu leeyahay barnaamijkan dib-u-habaynta maamulka Maaliyadda oo la jaanqaadaya nidaamka caalamiga ah ee ay dunidu ku shaqayso laguna diyaariyo Miisaaniyadaha caalamka.

Ugu dambayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Musaabaqo oo munaasibaddan soo xidhay, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyay ugu mahadnaqay shaqaalihii ka qayb-qaatay tababarkaas, waxaanu ka waramay ahmiyadda uu leeyahay nidaamkan caalamiga ah ee uu Qaranka Somaliland u guuray inuu qaato xeerarka maamulka Maaliyadda ee dalalka horumaray ee dunidu ay ku shaqeeyaan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi:

 “Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin shanti cisho ee aad sida fiican uga qayb-qaadateen tababarka, waxaa muujinaya inaad si fiican uga qayb-qaadateen waxaad ku gaadhi jireen ilaa labada ama saddexda. Waxaa Iyana muhiima waxaa aad barateen inay shaqada ka muuqato. Shanta cisho waxaad barateen sidii loo fulinayey xeerka PFM, markaa taladaydu waxa weeye inaynu isku darsano idinkuna waxaad barateen sidii loo fulinayey anigu waxaan akhriyey oo aan ka dooday, oo aan talooyin ka dhiibtay una fadhiisanay xeerkan. Markaa inaguna inaynu isu nimaadno oo wada-fadhiisano oo aynu wax badan sii wada eegno waa qodob muhiim ah. Dalkeenu maanta wuxuu taagan yahay heer aynu ka doodi karno, baran karno, ku shaqayn karno xeerarka adduunka laysla aqbalsan yahay, markaa waxaan rajaynayaa in tababarkani inoo noqdo bar-bilow oo dhexdeena isku keen keeno, oo isu socodka wasaaradihii kale iyo wasaaraddii Maaliyadda gudaheeda aynu isla garano sida ugu haboon ee ay tahay inaynu maaliyadda Qaranka u maarayno. Bar-bilow fiican ayaynu taagannahay, waxaanan rajaynayaa inaynu gaadhi doono maalin sida adduunka kale uu u shaqeeyo uu maaliyaddeena qarankuna u shaqeeyo. Waxaan filayaa in tababarkani abuuray dareen ah inaynu doonayno inaynu nidaamkeena Maaliyadda wax ka bedelno, barano, weliba ku hanweynaano, shalay ka maalin in Dawladda loo shaqeeyo waa laga carari jiray, maantase waa lagu soo hiranayaa, oo intaas oo dhallinyar ahi inay Dawladda u shaqaynayaan oo ay wasaaraddo ka yimaadeen ayaa guulweyn inoo ah oo qarankana macno badan ugu fadhida.”

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.