WorldRemitAds
Allahayow Aqoona Ha Igu Cadaabin Eexna Ha Iiga Tegin! Ummadda Somaliland guulaysan mayso hadii ay isla ogolaato inay isku dhaqdo been iyo khiyaamo iyo dulmi iyo cadaalad darro waayo intaa midna hiilka Ilaahay laguma helo guushana waxa bixiya Allaha oo keliya, sida uu Quraankiisa Kariimka ah inoogu sheegay (WAMA NASRU ILAA MIN CINDI LAAH.

Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa WIXII AAN DAACAD LAGA AHAYNIBA DABADUU KA XUMAADAA. Maantana sida muuqata wax aynu daacad ka nahay baaba iska yar,gaar ahaan inta xilka inoo haysa ee aynu isku aaminay.
Allahayow Aqoona Ha Igu Cadaabin
Cali Gurey

Berigii uu soo fashilayay Taliskii Siyaad Bare dadka intii mudanka ahayd ee daacadda ahayd waxa la qoray Kacaan-diid. Siday u socotay waxa Kaacankii isugu soo hadhay afar kala ahaa ama lagu suntay Qabiil-kacaan, Hunguri-kacaan, Baqe-kacaan iyo Iska-kacaan. Somalilandna maanta waxay ku socotaa in muxaafidkii xukuumaddu ay isugu soo hadhaan laba waana Hunguri-kacaan iyo Iska-kacaan oo ah mid dan yar oo gaar ah ku muxaafid ah iyo mid wuxu wax ku xaafidayoba aan cid kale daayoo isaga laftiisu garanayn. Waxa ugu dulisan ka inta in yar oo lacag ah la siiyo TVga la soo fadhiisiyo oo waxay ka xishoodeen kuwa dirtay ay isga dheh yidhaahdaan ee yidhaahda ilayn waa la kiraystaye. Kuwaasi dad jira maaha ee waa kuwo iyaga oo nool dhintay in la tixeaaco hadal kooduna uma qalmo. 
Lakiin falaadhi waxa la yidhi gilgikasho kaagama go’do kii qaldanaa ama dembiga galay ee la sheegay cid kale oon waxba ogayn ku raad gado uma shaqayn karto.

Sedexda arin ee maalmahan hadal hayntoodu ugu badnay waxa ka mid ahaa Warqadii uu Wasiirka Arimaha Guduhu u qoray Gaafow oo ah warqad jirta oo run aha oo aan is leeyahay may ahayn wax xukuumadu u dhamayd ama ka tashatay. Sababta oo ah waxay noqon lahayd heer madaxwayne ama waxa qori lahaa Wasiirka Arimaha Dibadda hadii Somaliland iyo Somalia ay laba dawladood yihiin ama isu arkaan ama xataa Somaliland ay u aragto Somalia inay tahay dawlad kale. Waa hadii weliba uu xidhiidhka noocaas ihi jiray ama Somaliland ay danaynaysay inay bilawdo dan kastaba ha ka lahaato eh. Waynu ognahay oo taasina wax jira ama aynu ogayn may ahayn. Markaa wax dhacay oo run ah ma qofka sheegay baa qaldan mise kii masuilka sheeganayay ee isagu qalaadka galay.
Tan kale Wasiirku ma wuxu diidan yahay Xafiiska dadka Oromada u badan lacagta lagaga qaado ee isagu samaystay isaga oo sharci u ogoli jirin xaqna u lahayn shaqadiisana aanay haba yaraato eh ahayn ee doonayay in qasab iyo jujuub uu ku socodsiisto. Weliba anigu ma filayo inay u socon doonto hadii aanay ahayn wax lala ogaa iyo qorshe kale.
Hadaba Wasiirku runtan cad ma wuxu ku baabi’in karaa dad uu waxoogaa lacag ah inta uu u qaybiyo uu ku yidhaah idinka ayaan waxba ogayn waxna isku falayne TVga taga oo xaajada aydaan ogayn indhaha ka soo rida dadku beentiina run ha moodaan runtii Caligurey sheegayna waa been dheha. Hadii taasi ay u socon karto Wasiirka dee waa sax inu wax walba isku dayo eh yaan lala yaabin. Wax badan oo hore ayuu xumeeyay cid wax ugu raacdayna aanay jirin suurtogalna noqon karta in lagu sii jeclaaday ilayn sebebka aynu joogno ayaaba sidaa ahe.
Ugu dambaystii waxan leeyahay Somaliland markay tiiradii kortay waatan dib u soo taraartaye ALLAH TAAKO YAA U DHIGA
Cali Gurey

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.