WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 08, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dhulka uu ku yaal Tiyaatarka Hargeysa iyo nawaaxigiisa ee ay ku muransan yihiin ganacsadaha Cumar Caydiid iyo laba suldaan oo Madaxweyne Siilaanyo kala siiyey, kaas oo keenay in loo xidho ganacsadaha iyo eedaymo odayaal kala matalayey dhinacyadu warbaahinta isu mariyaan.

Xukuumadda oo dedeefaysay muran Cumar CaydiidWasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhulka Tiyaatarka ee lagu muransanyahay iyo sharciyadda ama caddaymaha cabbirka qaybaha Madaxweynuhu kala siiyey ganacsadaha iyo salaadiinta.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ugu horreyn ka hadlay shirkaasi jaraa’id, ayaa sheegay in aanay marnaba isku mid ahayn Tiyaatarka la siiyey ganacsadaha iyo dhulka kale ee Madaxweynuhu siiyey salaadiinta, “Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo xaqa iyo awoodda bixinta dhulka leh, waxa uu ganacsade Cumar Caydiid siiyay dhul cayiman, dhulkaasina waa dhulka ka horreeya dhismihii hore ee Tiyaatarka sida warqadda ku cad, kadibna dhulkaa intii ka baxsanaa waxa soo doontay oo la siiyey muwaadin kale,  waxaanay kala leeyihiin saddex cabbir oo kala duwan, dhulka tiyaatarku ka dhisan yahay cabbir gaara ayuu leeyahay, dhulka ganacsadaha Cumar la siiyayna warqadda madaxwaynuhu siiyay waxa ku qoran cabbir gaara, dhulka kale ee la siiyay muwaadinka ama suldaankana waxa ku qoran cabbir kale, xataa hal mitir ma wadaagaan, waana dhul kala wada gaar ah. Markaan soo koobo, waxaad arkaysaa in ganacsade Cumar Caydiid uu Madaxwaynuhu leeyahay waxa la siinayaa dhulka ka horreeya Tiyaatarka, mana aha waxa la siinayaa Tiyaatarka, dhulkiina wuu dhisanyahay oo Cumar wuu dhistay, qofka meeshaa ku qabsadaana wuu ka gardaran yahay oo madaxwayne ayaa siiyay, sidoo kalena warqadda madaxwaynuhu Cumar siiyay waxa ku qoran wax dhaafsan inta la siiyey xaq uma laha, lagamana yeelayo,” ayuu yidhi Cabdillaahi Cukuse.
Waxa kaloo uu farriin u diray odayaal warbaahinta hadallo ka jeedinayey maalmihii u dambeeyey, waxaannu yidhi, “Ragga marar fara badan ku celcelinayey meeshu miyaanay Tiyaatarkii uun ahayn, meesha lama soo arkin iyo Madaxwaynuhu laba nin ayuu meel isku mid ah siiyay, taas waxaan kaga jawaabayaa ma jirto, waana la soo arkay meesha, mana aha meel isku mida.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), ayaa isna ka warramay warqadda Madaxweyne Siilaanyo ku bixiyey dhulkan, isagoo xusay in ganacsade Cumar uu ku xad-gudbaday cabbirka dhulka oo qaybna la siiyey, qayb kalena laga laga kireeyey.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Sida digreetada Madaxwayne Siilanyo ku cad ganacsade Cumar Caydiid inta Tiyaatarku yahay waa laga kireeyey, inta wajahadda Koonfur xigtana waa la siiyay, sida aad la socotaan Cumar Caydiid dhanka Bari waxa uu ka dhistay dhisme ku taxan oo gabigeedaba dhinacaa ka soo daboolay, dhanka Waqooyi xigta ee Carwada ku beegana waxa uu ka dhistay fooq dheer oo soo daboolay Tiyaatarka. Labadaa dhisme midna kuma cadda digreetada Madaxweynaha, waana dhul dheeraada oo uu ku darsaday, iskadaa ka kale ee uu iminka ku murmayee qayb kiro ah iyo qayb hibo ah ayey wixiisu isugu jiraan. Cumar Caydiid ma ninkii qaylin lahaabaa isagoo intaasoo hibo ah la siiyay oo aan shillin laga qaadin, mise waa ninkii bulshada dejin lahaa ee ummadda u mahadnaqi lahaa ee Madaxwaynaha u mahadnaqi lahaa? Cumar waxaannu xaq u lahayn lama siinayo, mana helayo ee taa niyada ha gashado.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.