WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 08, 2016 (Saxafi) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka warramay xaddiga saamaynta abaarta daran ee ka jirta dalku ay ku yeelatay dadka iyo duunyadaba.

Natiijo baadhis AbaareedMd. Cabdiraxmaan Saylici oo ka qaybgalay kulan shalay lagu soo bandhigay Natiijo ku saabsan daraasad laga sameeyey heerka dhibaatada abaartu gaadhsiisan yahay oo aad looga dariyey, waxa uu mar kale baaq qaylo-dhaan gurmad loo fidiyo deegaannada abaarta darani ka jirto u diray ganacsatada, qurba-joogga, guud ahaan shacabka iyo beesha caalamka.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka hadlayey saamaynta abaarta iyo baahida dadku qabaan, waxa uu yidhi, “Baadhitaan dheer oo la sameeyey waxa muuqata in abaartu taabatay dad tiradoodu hal milyan kor u dhaaftay, kuwaas oo u tabaalaysan cuno iyo biyo la’aan, iyadoo ay u sii daranyihiin dadkii wax-soo-saarayey ee beeralayda ahaa oo sida daraasaddu muujisay dallagii 2015-tii marka la barbardhigo kii 2014-kii waxa soo go’ay oo keliya boqolkiiba 14%, waxa meesha ka baxay boqolkiiba 87%, taasi waxay inoo muujinaysaa in maanta beeralaydii wax raashin oo ay haystaan habayaraatee aannu jirin.
Runtiina waxa bilaabay dhimashada xoolihii ummaddu dhaqanaysay sida lo’da, Geella iyo Adhiba, iyadoo ummaddii reer Somaliland ee gobollada Galeedka iyo xoolo-dhaqato reer Itoobiya ahi isugu tageen dhul yar oo ah inta u dhashaxaysa Galbeedka Berbera iyo Galbeedka Saylac oo uu uu koobnaa roobkii Xayska ee sannadkan ee aynu awal Ilaahay uga baranay inuu ka da’o xeebaha oo dhan, halkaas oo muddo yar kadibna xaaluf noqotay.”
Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu ku baaqay in loo diyaargaroobo gurmad degdeg ah oo lala gaadho dadka oo badbaadinta noloshoodu u baahan tahay cunto iyo biyo, maadaama aanay haysan uga soo horreeya roobka xilliga Guga ee soo socda.
“Waxaannu baaq dheer ugu sheegaynaa beesha caalamka in ummadda reer Somaliland u baahan tahay gurmad oo abaartu aafaysay dad ka badan hal milyan oo qof,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.