Boorama, Somaliland, February 08, 2016 (Saxafi) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaciyey waqtiga diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ka bilaabmayso Gobolka Awdal oo ah gobolkii labaad ee laga hirgeliyo.

“Qalabkii, shaqaalihii iyo wax waliba waa diyaar, qalabka degmo kasta waa loo diyaariyey, shaqaalaha ka hawlgala diiwaangelinta oo laga fulin doono 138 goobood ilaa shan boqol oo intii ku guulaysatay imtixaan hore looga qaaday ardayda Jaamacadda Camuud, waxa kaloo jira shaqaale kale oo sii hagaajinaya hawsha diiwaangelinta ayaa iyana jira,” ayuu yidhi Siciid Cali Muuse, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waanu ognahay dhibaatooyinka ka jira gobolka oo abaartu ka mid tahay, kuwaasna waxaannu ugu talogalnay sidii aannu meel walba u gaadhsiin lahayn diiwaangelinta.”
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Maxamuud Cali Wacays, ayaa isna ka hadlay cabasho ka taagan gaadiidka loo adeegsanayo fulinta diiwaangelintan gobolka Awdal, “Arrinta cabashada gaadiidku way na soo gaadhay, laakiin gaadiidka qandaraas baa lagu bixiyey, qoladii qandaraaska ku heshay ayaa shuruudo ku qaadatay, qof wax laga horjoogsadayna ma jiro ee shuruudihii la buuxiyey ayuun baa lagu dhaqmay, halkana kamay dhicin uune Togdheer ayey ka dhacday oo bilowgii sidaas ayey ahayd,” ayuu yidhi Maxamuud Cali Wacays.