WorldRemitAds
Buuhoodle, Somaliland, February 9, 2016 (Saxafi) – Maleeshiyada Cali Khaliif Galaydh ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Guriga uu Buuhoodle ka degan yahay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-Toosiye, taas oo keentay in ciidamada ilaalada wasiirku ka jawaabto halkaas oo uu ka bilaabmo dagaal fool-ka-fool ah.

Maleeshiyada Cali Khaliif oo weerartay Xaglo-toosiye
Photofile Saleebaan Xaglo-toosiye iyo Cali Khaliif Galaydh

Weerarkan maleeshiyaadka Cali Khaliif ku qaadeen wasiir Xaglo-Toosiye oo ayaa dhacay Caawa abaaro 1:00 habeenimo, kaas oo socda ilaa wakhtigan oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay wasiirka Caafimaadka Somaliland abaaro 4:00 habeenimo.

Ma jiro wax khasaare ah oo ilaa hadda la ogyahay maadaama wakhti habeenimo ah lagu jiro, hase yeeshee Wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Xaglo-toosiye oo aanu khadka telefoonka kala xihdiidhnay ayaa noo sheegay in maleeshiyaadka Cali Khaliif Galaydh oo uu ku tilmaamay kuwo dagaal u joog ah, isla markaana doonaya inay deegaanka ka huriyaan colaad weyn oo aan damin, ayaa noo sheegay in weerar lagu soo qaaday gaadhigiisa iyo dirawalkiisa, kadibna ay ciidamadiisu ka jawaabeen.
“Horta anigu waxaan u tegay Buuhoodle inaan nabad ka dhalino oo wixii khilaafyo ah ee dadka ka dhexjira si nabad ah ku dhamayno, laakiin qolyahan oo dagaal-oogayaasha ah ee Cali Khaliif Galaydh hoggaaminayo waxay beryahanba ku hawlanaayeen sidii uu u dhici lahaa dagaal weyn oo lagu hoobto, iyagoo adeegsanaya qaar weriyeyaal ku sheeg ah oo aan Suxufiyiin ahayn oo aad arkayseen waxay ka soo tebinayeen gobolka, caawana iyagaa soo weeraray gaadhigaygii iyo dirawalkiisii, ilaa haddana dagaalku wuu socdaa,” ayuu Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye u sheegay weriye Saxafi ka tirsan oo khadka telefoonka kula xidhiidhay.
Waxa kale oo uu sheegay in muddadii uu ku sugnaa Buuhoodle uu ku guulaystay inta badan ujeedadii uu halkaas u tegay oo ahayd in nabadeyn iyo in deegaanadaasi noqdaan kuwo xabbad ka caagan oo colaadaha laga baxo, hase yeeshee ay qolyaha Cali Khaliif horboodaya ee dagaal-oogayaasha ahi taas ka soo horjeedaan ku taamayaan inay khalkhal iyo colaado ka huriyaan Buuhoodle iyo degaamada ku xeeran.
Mar aanu wasiir Xaglo-toosiye weydiinay inuu jiro wax khasaare ah oo dagaalkan xalay keenay iyo weerarka lagu soo qaadayba, waxa uu sheegay inaanu jirin khasaare uu ilaa hadda ogyahay. “Horta dee waa habeen oo way adagtahay sida loo ogaado khasaaraha, balse dagaalku ilaa hadda wuu socdaa, marka waagu beryanna inay ka sii xoogeysanayso ayaan filayaa, balse marnaba qoladan dagaal-oogayaasha ah u suurto-geli mayso colaada iyo dagaalada ay la maagan yihiin dadka reer Buuhoodle, nabad annagu u imid inaan halkan ka dhaliyo, intii badnaydna way ii suurto-gashay, inta kalena waan ku guulaysan doonaa insha Allaah,” ayuu yidhi mar kale wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-Toosiye.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.