WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 08, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ku eedaysay maamulka Soomaaliya ee Muqdisho inuu masuul ka yahay hakad ku yimi wadda-hadaladii u socday labada dal, waxaanay soo bandhigtay hal shardi oo sahli kara sii socoshada wadahadalladaasi beesha caalamku taageerayso.

Wadda-hadaladii Somaliland iyo SomaliaWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanay Soomaaliya daacad ka ahayn wadahallada, taasina tahay dhibaatada hortaagan, balse aanay weli dawladda Somaliland ka rajo beelin oo ay diyaar u tahay ka wadahadalka masiirka xidhiidhka labadan waddan.
“Soomaaliya waxaynu ku heshiinay in aynu labadeennu ka wadahadalno arrimaha innaga dhexeeya, caalamkuna sidaas buu ku taageeray wadahadalka oo ka bilaabay dalka Ingiriiska sannadkii 2012, intii ka dambaysayna ilaa sagaal jeer baa la kulmay, waxaanay jiray waxyaabo lagu heshiiyey, laakiin runtii natiijadii laga filayey kamay soo bixin wadahadallada,” ayuu yidhi Dr. Sacad oo qaar ka mid ah saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Hargeysa shalay.
Waxa kaloo uu ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay la timaado niyad-sami iyo u hagar-bixid la xidhiidha wadahadallada, si ay dib ugu bilaabmaan, waxaannu yidhi, “Innagu quus kama taagnin, waxaynu qabnaa in wadahadalladu muhiim yihiin, in aynu wadahadalno Soomaaliya waxa ansixiyey Baarlamankeenna ee maaha wax qof siyaasi ahi kelidii uu go’aansaday waa wax sharci ah. Waxaynu se saluugsanahay siday ugu hagar-baxsan yihiin cidda aynu la hadlayno oo ah dawladda Soomaaliya.
Waxaannu ku rajowaynahay in niyad-sami, aaminaad iyo qiimayn wadahadallada ah ay la timaado Soomaaliya, si wadahadalladu dib ugu bilaabmaan.”
Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u socday, ayaa istaagay tan iyo wixii ka dambeeyey bishii March sannadkii 2015-kii, kadib markii kulankii u dambeeyey ay Soomaaliya u soo dirsatay ergo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, taas oo ay ka cadhootay dawladda Somaliland.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.