WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 8, 2016 (Saxafi) – Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Cadaaladda oo dawladda hoose ee Hargeysa kala qaybgallay shirka toddobaadle ah ee masuuliyiinta dawladda hoose ku dejiyaan qorsheyaasha todobaadle ah ayaa amaanay qaabka wanaagsan ee shirkaasi u socdo iyo dadaalka masuuliyiinta dawlada hoose ka wadaan caasimadda.

Wasiiradda Khaarajiga iyo CadaaladdaShirkan toddobaadlaha ah oo uu shirgudoomiyo  maayarka Caasimadda oo ay weheliyaan maayar ku xigeenka iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ayaa la iskaga xog waraystaa toddobaadkii tagay waxa u hirgalay iyo toddobaadka dambe waxa la qabanayo iyo sidoo kale, wixii qabsoomi waayey sababta u qabsoomi waayeen, waxaana warbixino laga dhagaystaa agaasimeyaasha waaxaha iyo gudoomiyaha degmooyinka caasimadda, waxaana  toddobaadkan lagaga hadlayey kor u qaadidda dakhliga dawladda hoose, ilaalinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda iyo arrimo kale oo badan oo ay ka warbixiyeen waaxyaha arimahaasi qaabilsan.
Shirkan markii uu dhamaaday waxa hadalo dhiirigalin ah ka soo jeediyey wasiirka arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire iyo wasiirka Cadaaladda Axmed Faarax Cadare oo sheegay inay ku farxeen nidaamkan todobaadlaha ah ee lagaga doodayo wixii qabsoomay iyo wixii ay toddobaadka dambe doonayaan inay qabtaan.
Ugu horeyn wasiirka Arrimaha Dibadda Dr: Sacad Cali Shire oo ka hadlaya sida uu arkay qorshaha dawladda hoose ee Hargeysa ee toddobaadlaha ah, ayaa waxa uu yidhi  “mujtamaca Somaliland boqolkiiba shan iyo labaatan ayaad masuul ka tihiin, waa masuuliyad aad u culus, anigu waan soc socod badanahay, oo marka caasimadaha kale tago waxaan is barbar dhigaa caasimadeena iyo kuwo kale, waxaana jira imika dedaal badan oo aad gasheen oo xagii bilicda kor ugu qaadaysaan waana idinku hambalyeynaya, xaga wadooyinkana waad dadaasheen oo wadooyin badan baad samayseen, shirkan sida uu u socday iyo sida aad u doodayseen runtii wuu I farxad galiyey, halkaasna ka sii wadda dadaalka”
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=qQcG0h50SzE]Wasiirka Cadaaladda  Axmed Faarax Cadare ayaa isna sheegay in xogtani muhiim u tahay in loo soo gudbiyo golaha wasiiradda si dawladda dhexe iyo ta hoosaba iskula jaan qaadan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ sidaad hawsha u wadaan ee aad isku xisaabinaysaan ama u doodaysaan waa sida loo baahan yahay ee horumarka lagu gaadho, aad baan u farxay sida warbixinada kala duwan uga hadlaysaan iyo sida iskula xisaabtamaysaan ama hadba arrin u falanqaynaysaan, shaqo balaadhan baad wadaan, xogtan aad ururisaan toddobaad walba waxa loo baahan yahay inaad noo soo gudbisaan si golaha wasiiradana ugu gudbino waayo xogo badan baad haysaan oo imikaba shirkan ku soo bandhigayseen waa xogo loo baahan yahay inaanu idinla wadaagno, marka waan idinku hambalyeynayaa shirkaasi qiimaha leh ee toddobaad kasta kaga doodda sida caasimadda loo horumarin lahaa”.
Intaas ka dibna waxa shirka soo xidhay Duqa caasimadda Hargeysa Md: Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, waxaanu u mahadnaqay wasiiradda kulankan kala qaybgallay ee ay ku dhagaysanayeen sida dawlada hoose u shaqayso iyo shaqadda balaadhan ee ay shacabka u hayaan.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaad nagala soo qaybgashaan shirkan todobaadlaha ah ee madaxda dawlada hoose kaga shirto toddobaad walba waxay qabteen iyo waxay qaban doonaan, labadiinan wasiir ee arrimaha dibadda iyo cadaaladaba waan idinka mahad celinayaa. Wasiir waanu dedaalaynaa balse waxa nagu yar dhaqaalihii baahiyo badan wax lagaga qaban lahaa, waxaan rajaynayaa inaad laabta aad ugu hayn doonto dawladda hoose ee Hargeysa oo wadamada aad marayso arrimahahayga u soo bandhigi doonto, oo markii aad wasiirka qorsheynta joogtayba wax weyn baad nagala shaqaysay oo waxaad nagala shaqaysay mashruuca baanka adduunka, maantana waxaan rajaynayaa inaad halkii ka sii qaadi doonto oo maanta sidaad u aragtay inaanu u shaqayno ay niyadda kuu dhisi doonto oo aad niyadda nagu hayn doonto oo caasimaddo badan xidhiidh la samayn doonno”.
Dhinaca kale, waxa olole balaadhan oo lagu gurayey qashinka ayaa shalay laga bilaabay dooxa weyn ee magaaladda Hargeysa, waxaana halkaasi lagu jaray dhirtii qashinka u qabanaysay iyo dhamaan qashinkii lagu daadiyey dooxa.
Xildhibaan Axmed Daahir oo ka hadlaya qashinkan ay dawladda hoose ee Hargeysa dooxa ka guraysay waxa uu yidhi “Waxaanu gudanaynaa maaha wax cusub ee waa shaqadii aanu maalin walba qabannno, balse waxay ku kala duwan yihiin bariigii hore qalab la’aan baa jirtay, daraasad baanu samayn jirnay laakiin imika qalabkii waanu haysanaa oo maanta waxaanu ka bilownay halkii ugu muhiimsanaa ee Dooxa oo xaga caafimaaadka iyo bilicda ku fiican in laga bilaabo”
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=idKK9JXC8Lk]Agaasimaha arrimaha bulshadda Khadar Yuusuf Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “maalin walba meel baa la gaadhayaa, meelaha qashinka noogu hadhsan ee dagaalka aanu kula jirno waxa ka mid ah dooxyadda iyo jeex jeexyadda, goobahaasi waxa garab socon jiray goobo kale oo sharci daro ahaa oo qashinka lagu shubi jirey intooddii badnaydna waanu baabi’inay oo dad ilaaliya ayaanu dhignay, laakiin dhibtu waxay ka taagan tahay dadweynaha oo gacantii la rabay inay dawladda hoose siiyaan aan siineyn oo qaar ka mid ahi qashinka gaynayaan meelo aan loogu tallogalin”.
Xoghayaha dawladda hoose Axmed Darajo ayaa sheegay in qashin guristani tahay mid maalinle ah oo magaaladda nadaafadeeda kor loogu qaadayo, waxaanu yidhi “Waan u mahad celinaya xildhibaanadda iyo maayarka caasimadda iyo ku xigeenka oo mar walba u heelan in caasimadda bilicdeedda kor loo qaaddo, iyagoo diyaar u ah wax alaale wixii shicibka dhibaya sidii ay uga ilaalin lahaayeen, waajibaadkaasina anagu na saaran yahay”.
Waxa soo xidhay maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne, waxaanu yidhi “inta uu bani’aadamku jiro qashinkuna wuu jirayaa, qashinka waxa sameeya bani’aadanka, waxaanu habeen iyo maalin taaganahay inaanu u shaqayno dadweynaha na doortay oo aanu qashinka ka gurno, dadweynaha waxaan ka codsanayaa inay shirkadaha qashinka la sugaan qashinka oo aanay banaanka iyo jidadka ku soo daadanin”.
Masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa ayaa sheegay in maalin kasta ka shaqeeyaan qashin gurka, waxaanay dadweynaha ka codsadeen in aanay jidadka iyo banaanka ku soo daadin qashinka ee la sugaan shirkaha qashinka gura.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.