WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 8, 2016 (Saxafi) – Qabow xoog leh oo wata baraf ayaa xoolo badan ku laayey degaanno ku yaalla badhtamaha gobolka Awdal, kaas oo ugu biiray dadka deegaanka abaaro hore halkaas ugu jiray.

Qabow Wata BarafSida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, qabowgan watay barafka oo ay caddeeyeen oday-dhaqameedyo degaankaasi ku sugan ayaa sheegay in xoolo badani kaga dhinteen labadii habeen ee ugu dambaysay waxayna sheegeen in barafkani yahay mid aan hore loogu arag dhulkaasi.
Meelaha ama degaanada qabowgaasi galaaftay nolosha xoolaha itaalka daran ayaa waxay kala yihiin Dhagaxa Madow, Fiqi Aadan, Weeraar, Sheekh Awaare iyo meelo kale waxayna odayaashaasi sheegeen in qabowgan iyo barafkani sababeen xanuunno ku dhacay xoolaha oo kaddib ay u dhinteen maadaama xoolahaasi awalba iska itaal darraayeen.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulada dawladda ee dhulkaasi hoos yimaaddaan.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, qabowgan watay barafka oo ay caddeeyeen oday-dhaqameedyo degaankaasi ku sugan ayaa sheegay in xoolo badani kaga dhinteen labadii habeen ee ugu dambaysay waxayna sheegeen in barafkani yahay mid aan hore loogu arag dhulkaasi.
Meelaha ama degaanada qabowgaasi galaaftay nolosha xoolaha itaalka daran ayaa waxay kala yihiin Dhagaxa Madow, Fiqi Aadan, Weeraar, Sheekh Awaare iyo meelo kale waxayna odayaashaasi sheegeen in qabowgan iyo barafkani sababeen xanuunno ku dhacay xoolaha oo kaddib ay u dhinteen maadaama xoolahaasi awalba iska itaal darraayeen.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulada dawladda ee dhulkaasi hoos yimaaddaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.