WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, February 8, 2016 (Saxafi) – Muuqaal Fiidyow ah oo ay dawladda Federaalka Somalia soo bandhigtay, ayaa muujiyay qaar ka mid ah shaqaalaha Madaarka Muqdisho oo ka qayb-qaatay bamkii lagu soo rakibay laptop-ka ee loo adeegsaday qaraxii hawada lagula beegsaday diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airline oo toddobaadkii hore ka kacday Madaarka Muqdisho, balse markii ay shan iyo toban daqiiqadood hawada ku jirtay si degdeg ah ugu soo laabatay kadib markii dhaawac uu soo gaadhsiiyay qarax gudaha diyaaradda ka dhacay.

Ammaanka Madaarka Muqdisho Oo aan laysku halayn karinMuuqaalkan Fiidyowga ah ee ay soo bandhigtay xukuumadda Somalia oo ah muuqaal ay duubeen kamarada ammaanka ee ku rakiban gudaha madaarka Muqdisho, ayaa waxa muuqda laba nin oo ku lebisan direyska shaqaalaha Madaarka Muqdisho oo aaladda kombuyuutarka ee laptop-ka u muuqaal eeg u gudbinaya nin saddexaad oo ay masuuliyiinta Somalia ku tilmaameen in la rumaysan yahay inuu yahay ninka ku dhintay qaraxaas diyaaradda gudaheeda ka dhacay oo sababay in diyaaradda ka dalooshanto dhinac, isla markaana uu ka soo dhaco meydka qofka la rumaysan yahay inuu fuliyay qaraxaas.
Ciidamada Nabadsugidda Somalia ayaa sheegay inay xabsiga u tabaaxeen oo ay gacanta ku hayaan labada nin ee muuqaalka fiidyowga ka soo baxay oo ka mid ahaa shaqaalaha Madaarka, kuwaas oo Kombuyuutarka Laptop-ka Madaarka ugu gudbiyey ninkii ka midka ahaa rakaabkii diyaaraddaas oo isagu dhintay.
“Kamaradaha garoonka ku xidhan ayaa lagu arkay muuqaalka laba shaqaalaha garoonka diyaaradaha ka mid ah oo Laptop u gudbinaya ninkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay gudaha diyaaradda Daallo,” ayuu yidhi Cabdisalaan Caato oo ka tirsan Xukuumadda Somalia.
Muuqaalkan ay sii daysay hay’adda nabadsugidda dawladda Soomaaliya ayaa lagu arkay muuqaalka laba Nin oo si qarsoodi ah Laptop u gudbinaya, waxaana lagu sheegay magaca ninka ku dhintay qaraxa, Cabdillaahi Cabdisalaam Boodhle, kaas oo ka dhacay diyaaradda markii uu qaraxu dhacay.
Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegay inay jiraan rag ka hawl-gala Madaarka Muqdisho oo weli aan la qaban kuwaas oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen hawl-galka bamka diyaaradda lagu qarxiyay, iyadoo ilaa wakhtigan aanay cidina sheegan qaraxaasi inay ka dambeeyeen, balse waxa la rumaysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab ka mid tahay, waxaanay warar ilaa shalay ilaa habeen hore soo baxayaa ay sheegayaan inay jiraan xubno Madaarka Muqdisho ka hawl-galayey oo intii qaraxa diyaaradda ka dambaysay toogasho la khaarajiyay, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay ku xidhiidhsan tahay qaraxa diyaaradda iyo sidii loo masixi lahaa raadadka tuhunada cidda ka dambaysay, balse ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya dilalkaasi wakhtiga ay dhaceen iyo cidda ay ahaayeen dadka la dilay toona.
Dhinaca kale Duuliyihii diyaaradda Daallo Airlines ee qaraxa Salaasaddii toddobaadkii hore lala beegsaday ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararkanka ee Maraykanka ee la yidhaahdo AP, waxa uu kaga waramay sidii uu u dhacay qaraxii ka dhacay gudaha diyaaradii uu duuliyaha ka ahaa, isagoo xaaladda Ammaanka ee Madaarka Muqdisho ku tilmaamay mid ebber ah oo halis ku ah diyaaradaha halkaas tagga.

Serb Pilot

Duuliyahan u dhashay dalka Serbia oo ku guulaystay inuu diyaaradii uu wadaha ka ahaa soo fadhiisiyo Madaarka Muqdisho iyadoo dhinaca ka daloosha ayaa wareysigan uu shalay bixiyey ku sheegay inaanu marnaba shaki ka galin in qaraxa diyaaradiisii ka dhacay ahaa mid uu sababay bam.

Sida duuliyuhu sheegay qaraxan ayaa diyaaraddan oo sidday 75 qof oo rakaab ah uu ka dhex dhacay markii ay muddo 15 daqiiqadood ah hawada ku jirtay ee ay ka duushay Madaarka Muqdisho, iyadoo masaafo ahaana dhulka ka saraysay 11,000 feet (3,500 meters), qorshahooduna ahaa inuu gaadhsiiyo 31,000 feet ah. “Markii aan dhaafnay masaafadda 10,000 feet ah, ayaa waxaanu shidnay calaamadda sheegaysa in dadku iska furi karaan suunka dhexda ee ammaanka, waxaanay shaqaalihii diyaaraddu bilaabeen inay u adeegaan rakaabka” ayuu Kabtan Vlatko Vodopivec u sheegay AP, isagoo ku sugan magaalada Belgrade ee caasimadda dalka Serbia, waxaanu intaas raaciyay “Markii aanu dhaafnay masaafadda 11,000 feet, ayaa qaraxu dhacay. Markii hore waxaan u qaatay in daaqadi jabtay ama go’day, balse durtadiiba waxaanu ururinay urka qaraxa baaruuda, kadib markii qiiqu soo gaadhay qolka laga waddo diyaaradda (Cockpit).” “Waxaasiba waxay ku dhaceen muddo yar,” ayuu yidhi mar kale, waxaanu raaciyay “Waxaanu si degdeg ah u dalbanay soo laabasho degdeg ah oo aanu ku soo noqo Madaarka, sababtoo ah taasi waxay ahayd xalka keliya ee aanu haysanay. Wadnaha ayaa na weynaaday, sababtoo ah ammaanka halkaas oo aad u liita awgeed, waxaanay nagu qaadatay dhawr maalmood oo kale inaanu halkaas sii joogno.”
Duuliyuhu waxa uu xusay in haddii iyagoo masaafo intaas ka dheer hawada ku sugan uu qaraxaasi ku dhici lahaa uu gebi ahaanba qaraxaasi burburin lahaa diyaaradda, balse waxa uu yidhi: “Maadaama oo aanu masaafo dhow ku sugnayn waxaa noo suurto-gashay inaanu si nabadgelyo ah ku soo fadhiisano, iyadoo diyaaradda, mishiinkeeda iyo haydarooligeeduba si caadi ah u shaqaynayeen.”
Kabtan Vodopivec oo duulimaadyo dhawr ah ku tegay Madaarka Muqdisho, wuxuu eedda shilkan keentay ku sifeeyay mid sabab u tahay ammaan xumo aad u weyn oo ay halis ugu jiraan diyaaradaha taga Madaarka Muqdisho, isagoo adeega Madaarkaas ku sifeeyay mid fowdo ah.
“Ammaanka Madaarkaasi waa mid ebber ah, marka aanu halkaas diyaaradda baarkinka dhigno, waxaa dhabbaha soo gala dad qiyaastii 20 ilaa 30 qof, oo aan midna sidan kaadhka aqoonsiga iyo jaakeetka huruudda ah. Waxay soo galaan oo ay haddana ka baxaan diyaaradda gudaheeda, mana jiro qof qof kale garanayaa, waxaanay dadkaasi dhigi karaan gudaha diyaaradda wax alla iyo wixii ay doonaan marka ay rakaabku ka degaan diyaaradda.”
Waxa kale oo uu Kabtan Vodopivec hoosta ka xariiqay ammaan xumo kale oo ka jirta Madaarka magaalada Caasimadda u ah Somalia ee Muqdisho, isagoo sheegay in diyaaradaha qaarkood la rasaaseeyo marka ay Madaarka ku degayaan.
“Madaarka Muqdisho gegidiisa waxaad keliya oo aad diyaaradaada ka fadhiisin kartaa dhinaca xeebta xigta, dhinaca kale ee gegidaas waxaa ka xiga magaaladii. Taas darteed diyaaradaha waaweyni kama soo fadhiisan karaan dhinaca magaalada, sababtoo arrimo la xidhiidha ammaanka, waxaana dhacda mararka qaarkood inay soo fadhiistaan diyaarado rasaasi daloolisay dhinacyadooda,” ayuu yidhi Kabtan Vodopivec oo ahaa duuliyihii diyaaraddii Daallo Airlines ee Salaasaddii hore qarax la tuhunsan yahay inuu ismiidaamin ahaa lagula beegsaday hawada sare, iyadoo 15 daqiiqadood uu hawada ku jirtay kadib markii ay ka duushay Madaarka Muqdisho.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.