WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, February 09, 2016 (Saxafi) — Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in la xidhay Dad ka badan 20-qof oo lala Xidhiidhinayo Qaraxii Diyaaradda Daallo ka dhex dhacay Salaadadii la soo dhaafay.

Xukuumadda Somalia oo dad u xidhxidhayAfhayeenka Xukuumadda Somalia, Cabdisalaan Axmed Caato ayaa sheegay in ay ku socdaan Su’aalo dad ka badan 20-qof oo lagu tuhunsan yahay in ay wax ka Abaabuleen isku-daygii diyaaradda Daallo lagu Qaraxin lahaa Todobaadkii hore.
Cabdisalaan Caato ayaa intaa ku daray in muddo 36-saacadood ah ay lagu soo bandhigi doono Warbixin Faahfaahsan oo ka hadlaysa Dadka loo soo xidhay eedeymaha ku Saabsan Qaraxa laga dhex sameeyay Diyaaradda Daallo Airlines.
Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga Dawladda Somalia oo iyaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in weerarkii lagu soo ridi lahaa diyaaradda Daallo Airlines uu ahaa mid ku lug lahaayeen kooxo Xag-jiriin ah, ayna dhici karaan kuwo la mid ah isku-daygaas weerar.
Waxay kaloo Wararka saraakiisha Amniga Dowladda Somalia ay intaas ku dareen inay Al-shabaab Damacsan tahay inay Weerarro kale oo Cirka ah Qaadaan, balse ay ka Feejignaan doonaan isku-day weerar oo ka yimaada dhanka Al-shabaab.
Ilo-wareedyo kale ayaa iyagana laga soo xigtay in dadka weerarkan loo xidh-xidhay uu ka mid yahay Nin xidhiidh dhow la lahaa Al-shabaab, kaasoo aan magaciisa weli la shaacin, laakiin la xaqiijiyay in Hay’adaha Amnigu ay hore tuhunno uga qabeen.
Ugu dambeyntii, Wararka la helayo ayaa sheegay in Al-shabaab ay kaalin weyn ku lahayd Qaraxii ka dhacay Diyaaraddii DAALLO ee ku socday Dalka Jabuuti, taasoo la doonayay in lasoo rido.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.