Awdal: Beeralay Hore Uga Cabatay Roob Baraf Ah Oo Hadana Gargaar La’aani Ka Dhawaajisay

WorldRemitAds

Boorama, March, 10, 2012, (Saxafi) – Beeraleydda ku nool deegaanka Degmolaqas ee degmada Boorama ayaa xukuumadda iyo hay’adaha samafalkaba u diray baaq ay kaga dalbanayaan in la siiyo gargaar dhinaca cuntada, shinida iyo biyahaba leh ka dib markii ay dhulkaa ku habsadeen dabaylo iyo roobab watay baraf baabi’iyay dalagyaddii sannadkii hore.

Kullan ay shalay deegaankaasi ku qabteen odayada, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeedda deegaankaasi ayaa waxa ka hadlay haween, odayaal iyo xubno ka tirsan guddi maamul oo deegaankaasi leeyahay. Waxaana ay tilmaameen in ay itaal u la’yihiin inay qotaan  dhulbeereedkooda ayna gabaabsi ku tahay cuntadu.

Ugu horreyn  waxa halkaa ka hadlay Axmed Cismaan Caynaan oo ka mid ah  guddiga beesha Degmolaqas waxana uu yidhi. “Waxaan maanta isugu nimi inaan dawladda sare, tan Boorama,kangobolka iyo hay’adaha qaadhaanka bixiyaba u gudbinno baaq ku  saabsan in gargaar cunto nalala soo gaadho, si aan u qodanno beerahayaga oo ay dalagyadii naga baabi’iyeen roobab baraf watay oo gebi ahaanba naafeeyey wax soo saarkii sannadkii hore. Degaankani  waxa uu yahay kan ugu ballaadhan ee ku yaal galbeedka Boorama, kaa soo ay ku noolyihiin ilaa 700 oo qoys oo taxan illaa halkan aan Joogo (Degmolaqas), ilaa laga gaadho xadka Itoobiya. Dawladda gobolku way noo timi sannadkii hore markii barafkaasi dhacay, waxayna naga ballanqaadeen inay gargaar iyo hoy noo keeni doonaan  hase yeeshee dib nooguma soo noqon.”

WorldRemitAds

Daahir Kaahiye Lo’doon oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale tilmaamay dhibaatadda la soo daristay waxaana uu ku soo ururiyay haddalkiisa oo yidhi. “Sida la ogyahay waxa deegaankan ka dhacay roob watay buuro baraf ah, oo sida jaajuurka isku dulfuulay, kaasoo baabiiyey dalagyadii  beeraha, guryihii, isla markaana xoolihii naafeeyey, waa naloo yimi oo waxa la yidhi dawladda iyo hay’adaha ayaan idiinku sheegeynaa ,ma haynno waxba. dhulkii wuu sii abaaroobay biyihiina gabaabsi ayay sii noqdeen, xoolana hadalkooda daa way itaaldarreeyeen. waxan  dadkayaga debadaha, kuwa gudaha ,dawladda iyo hay’adaha ka codsanaynaa inay na soo gaadhsiiyaan gargaarda la qaybinayo xaqbaan u leenahay inaan  wax ka hello gargaarkaasi.”

Faarax Qalinle Obsiiye, oo ka mid ah odayaasha beesha ayaa isna yidhi “Waxaan sannadkii hore ka soo baxnay abaar, ilaahay gu fiican ayuu noo keenay, beerihii aan qodannay ee noo baxay ayaa Ilaahay u keenay dabaylo iyo roobab baraf ah, isagoo dhulka dhigay dalagyadii  iyo guryihii, xooluhu Tiinkaasay quutaan, annagoo weliba bixinna cashuuraha beeraha, sidaa darteed waxan dawladda u sheegeynaa inay meeshan il gaar ah ku soo eegto waxa dadka Somaliland qabana laga qaybgeliyo”

Marwo Xaliimo Xaaji Bookh, ayaa iyaduna ka mid ahayd dadka baaqan diray, waxaana haddalkeeda ka mid ahaa oo ay tidhi. “Mar hadii Ilaahay naga nabadgeliyay wixii meesha ka dhacay, waxan  hay’adaha  dalka jooga ka codsanaynaa in nala soo gaadhsiiyo wax kastoo  dadka ama gobolka dadkiisa lagu gargaarayo, weli dawladda Somaliland  ee cusubkamahaynno wax gargaar ah, wayna noo ballanqaadeen laakiin ballanqaadkaasi lama fulin”

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay masuul ka tirsan urur siyaasadeedka Waddani  Axmed Muumin Seed isagoo yidhi. “Maaha in marka aan doorasho doonaynno inaan halkan nimaadno oo aan nidhaa na doorta, waxaanan maantana u imi anigoo ka soo jeeda deegaankan Degmolaqas  oo ah meesha aan ku dhashay ,inaan ogaado dhibta idin haysata, dawladda iyo ciidii kale ee maanta (Shalay)  wax haysana idiin dhex cararro. Raashin badan iyo gargaar badan ayaa dalka la keenay, hase yeeshee waxa marmarka qaarkood lagu bixiyaa meelo aan munaasib ahayn ,ama cidlo ah ama la boobo, sidaa darteed waxaan leeyahay dadkani waa dadkii xaqa u lahaa gargaarkan waana beesha ama deegaanka ugu dadka badan Boorama hareeraheeda ama galbeedkeeda, ma garanayo waxa loo garab mariyay gargaarka dalka  daafihiisa wada gaadhay. waxaan codkayga ku biirinayaa odayaasha halkan ka hadlay ee aan isku deegaanka nahay   oo aan leeyahay maxaa dadkan iyo deegaankan u diiday in la soo gaadhsiiyo gargaarka ah cuntada si ay beerihii barafku ka baabi’iyey dib ugu qotaan.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.