WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 8, 2015 (Saxafi) – Kulano xasaasi ah oo lagaga soo horjeedo musharraxnimada Muuse Biixi ee mansabka Madaxweynaha xisbiga KULMIYE ayaa saddexdii maalmood ee aynu soo dhaafnayba si hoose uga socda Magaalada Boorama, kuwaas oo dhexmaraya beelihii taageerada siin jirey xisbiga KULMIYE iyo kuwii kaga soo horjeeday deegaanka Boorama.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, kulanadan oo sida la sheegeyo ay ka qayb qaadanayaan kooxo dhallinyaro u badan, oo meteleya qaybo laba ka mid ah beelaha ay ka soo wada-jeedeen labadii Maayar ee ka horreeyey maayarka haatan ee Golaha Deegaanka Boorama, Cabdi Shide iyo Saleemaan Xaddi, iyadoo la sheegeyo in kulanadani yihiin kuwa aan wax xidhiidh ah la lahayn siyaasiyiinta beelahaasi ka joogta caasimadda Somaliland ee Hargeysa ama kaga jirta xukuumadda KULMIYE, hase yeeshee ay yihiin kuwa uun la bilowday isbeddelka ku yimi Golaha Wasiirada xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, salkana ku haya khilaafka KULMIYE ee haatan.

Inkastoo aanay jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay kulanadan haddana sida la sheegeyo xubnaha ka soo jeeda beelaha taageerada siin jiray xisbul-xaakimka wakhtigan, Golaha Wasiirada Xukuumadda Siillaanyana ku lahaa wasiirkii hore ee Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole ay haatan doonayaan inay isbahaysi dhinaca mucaaradka ah la samaystaan beelaha uu ka soo jeedo maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xaddi kaddib markii sida muuqata ay ka biyo diidsan yihiin isbeddelka xilka wasiirnimada Waxbarashada loogu magacaabay Cabdillaahi Dheere, kuna doodayaan in xilkaasi dib loogu soo celiyo gacantooda horena u saluugsanaa saamiga laga siiyey xukuumadda KULMIYE, halka beelaha uu ka soo jeedo maayarkii hore ee Boorama, Saleebaan Xaddi, dhawaana laga soo daayey xabsiga Hargeysa, ay doonayaan inay isbahaysi u helaan sidii loo wiiqi lahaa qaar ka mid ah murashixiinta mansabyada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee xisbul-xaakimka KULMIYE, siiba Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylci, isla markaana uga soo horjeesan lahaayeen xukuumadda maanta oo ay u arkaan inaanay waxba ku lahayn.

SomlegalAds

Kulanadan oo aan weli sidaa looga dareemin magaalada Boorama, balse la filayo inay soo jiitaan taageerayaal badan oo labadaa dhinac ah, ayaa noqon doona kulanadii u horreeyey ee lagaga tashado musharraxiintaasi, maadaama aanay hore uga jirin Boorama iyo gobolkaba mucaaradnimo xoog leh oo saameyn ku yeelan karta shirweynaha xisbiga iyo musharraxnimada Mansabka Madaxweyne ku-xigeenka ee Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi toona.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.