Cilmi-baadhis lagu ogaanayay heerka ay gaadhsiisan yihiin, caqliga iyo fikirka caruurta da’doodu ka yar tahay 7-jirka, ayaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay in heerka laga aaminsan yahay iyo sida loo haysto uu ka sareeyo fikirka iyo Garaadka caruurtu.

Daraasadan caafimaad oo lagu baahiyay wargeyska ka faalooda cilmi nafsiga qaybta dhalaanka ayaa si cad u muujinaysa in caruurtu caqli ahaan taam noqdaan marka da’doodu marayso afar ilaa sadex sano jirka. Sida warbixintan lagu iftiimiyay ubadku waxay awood u leeyihiin iyagoo da’doodu ka yar tahay shan jir inay xalin karaan, isla markaana si buuxda uga baaran dagi karaan, wixii xaalad ah ee la soo dersa, una soo af-meeri karaan si la mid ah, habka dadka waaweyni u xaliyaan dhibaatooyinka.
Wakhtiga dhalaan-nimadda ay ku jirto caruurtu gaar ahaan sanadaha ugu horeeya ee noloshooda, waxay awood buuxda u leeyihiin, cabirka iyo soo bandhigista Fikirkooda, Dabeecadooda, waxyaabaha ay aaminsan yihiin iyo sida ay arimo badan u arkaan, nasiib daro laakiin, waalidka iyo dadka ka waaweyni ma siiyaan ahmiyad u qalanta heerkaas, mana aaminsana in xadigaa ay gaadhsiisan tahay Maskaxdoodu.
Haddaba ugu danbayntii khubaradani waxay waalidiinta iyo dadka waaweyn ee caruurta la jooga ku boorinayaan inay tashiga iyo ka arinsiga amuuraha jira ka qayb galiyaan ubadka xitaa hadii ay afar jir yihiin.