WorldRemitAds

Baadhitaan caafimaad oo ay dhawaan si wada jir ah u sameeyeen khubaradda caafimaadka aadamaha ku takhakhusay ee dallal badan oo reer galbeed ah ayaa ka marag furtay faa’iidada soonka iyo cuntooyinka dadka soomani cunaan gaar ahaan wakhtiyadooda.

Sida khubaradani warbixintooda ku sheegeen, soonka uu qofka Muslimka ahii mudo dhawr iyo toban saacadood ah, ka tagayo cuntadda iyo cabitaanka ayaa leh faa’iido caafimaad sida unugyada dhiiga oo aad u kora, firfircooni badana hela, caloosha iyo habdhiska dheef-shiidka oo aad u xoogaysta, cuduradda dhiig karka iyo (cholesterol) oo ah duxda diiga gasha ayaa labadooduba hoos si wayn ugu dhacaan.

SomlegalAds

Waxyaabaha kale ee Soonku faa’iidada ka leeyahay ayaa ah, xanuuno badan oo hoos u dhaca sida macaanka oo kale oo wakhtiga badan ee qofku ka maqan yahay cuntadu keeni karto in xameetidu dib u noolaato.

Geesta kale khubaradan oo aan diinta Islaamka aaminsanayn hadana waxay ka marag fureen in wakhtiyada cuntada muslimiintu cunaan bisha barakaysan ee ramadaan yihiin kuwo waafaqsan hanaanka caafimaad ee ugu wanaagsan gaar ahaan afurka iyo suxuurta sidoo kale waxay aad u amaaneen timirta oo macdano iyo fiitamiino badan leh.

Akhriste sababta aynu arintan u soo qaadanay ayaa ah in aynu isku boorino wax aynu hore u ogayn oo diinteenu inoo sheegtay kun iyo dhawr boqol oo sanadood ka hor, sidoo kale waxay tani dhiiri galin kartaa dadka aaminsan talooyinka caafimaadka, ugu danbayntii ogsoonow in Nebigeeni Muxamed (NNKHA) uu xadiis saxeex ah ku sheegay barakadda Suxuurta ayaado qu’aanka kariimka ahiina inoo sheegeen faa’iidadda if iyo aakhiraba ku jirta Soonka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.