Xukuumadda Somaliland Oo Gobolka Sool Ka Bilawday Raashin Qaybin

0
107
PropellerAds

Laascaanood, Somaliland, June 2, 2018 (Saxafi) – Guddoomiye ku-xigeenka  Hay’adda  ka hor tagga Masiibooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Aw-Jaamac Xirsi, ayaa sheegay in hay’addoodu gobolada bari iyo galbeed ee dalkaba in ay ka bilawday qaybinta raashin  loogu talo galay inla gaadhsiiyo dadkii duufaantu ku dhufatay ee gobolada galbeedka Somaliland iyo dadkii baro kacayaasha ahaa ee xooluhu kabexeen ee ku noolaa gobolada bari ee dalka gaar ahaan  Saraar iyo Sool oo uu sheegay in ay aad u jilicsan yihiin xilliga ramadaantana ay u baahan yihiin raashin ay ku noolaadaan.

Guddoomiye ku-xigeenka oo isagoo ku sugan magaalada Caynaba ee Xarunta gobolka Saraar khadka taleefanka ugu warramay warbaahinta, waxaa uu sheegay in ay laba kun oo qoys gobolka Saraar in ay raashin u qaybiyeen oo ay qoys kasta siiyeen 7 nooc oo ka mid ah raashin ah waxaanu intaa ku daray in ay gobolada Selel iyo Awdal in ay ka qaybiyeen raashin kan oo kale ah isla markaana ay raashin siiyeen toban kun oo qoys.

Waxaanu intaa ku daray in raashinkan uu ku deeqay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis soona mariyay Hay’adda gargaarka dalalka Islaamka isla markaana uu ku yimi dedaal Xukuumadda Somaliland ugu jirto in ay dadkeeda kaalmo gaadhsiiso ugana doonto dalalka ay saaxiibka yihiin wixii awoodeeda ka baxsan. “Waxaanu ku qaybinay gobolka Saraar raashin aanu gaadhsiinay 2 kun oo qoys oo aanu siinay 7 nooc oo raashin ah, oo isugu jira Bariis, daqiiq, baasto Timir Biinis, Caano iyo Sonkor waana raashin ku filan ugu yaraan  bisha Ramadaan waxaa kale oo aanu raashin qaybin ka bilaabaynaa  degmada Taleex iyo Tukaraq oo ay joogaan dad badan  oo abaartii dalka ka dhacday xoolihii ay ka qaaday markaa halkaana waxaa  noo qorshaysan in aanu illaa 2500 laba kun iyo shan boqol oo qoys in aanu ku siino raashin,waxaanan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa wakiilka ka socda boqorka Sucuudiga ee halkan (Caynaba) nala jooga oo illaa Xuddun  nala socday.”

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay raashin kale oo ay gobolada galbeedka ku qaybiyeen, ayaa yidhi.  “Goboladii duufaantu ku dhufatay ee gobolada Awdal, Selel iyo Saaxil waxaanu ku qaybinay raashin aanu siinay 10 kun oo qoys oo ah qoysayskii duufaantii gobolada galbeedka dalka ku dhufatay ay saamaysay isku mar ayaanan qaybinta ka bilawnay gobolada galbeed iyo bari, waana dedaal xukuumaddu ku quudinayso dadkeeda jilicsan meelkasta ha joogaane.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.