WorldRemitAds

Cilmi baadhis balaadhan oo ay dhawaan samaysay jaamacada California ee dalka Maraykanka ayaa natiijadii ka soo baxday noqotay mid si wayn uga yaabisay dunida, cilmi baadhistan oo ku saabsanayd dhaqanka iyo caadooyinka dadka hodanka ah ama tijaarta ayaa cadaysay in dadkaasi aad u adeegsadaan beenta iyo khiyaanada oo ay kaga badan yihiin dadka kale ee caadiga ah.

Cilmi baadhistan ayaa si faah faahsan uga warantay hab dhaqano qalafsan iyo caadooyin xun xun oo ku dhex faaftay dadka hodanka ah, inkastoo warbixintu sheegtay in dhamaan dadkaasi aanay wada akhlaaq xumayn dadka sabooka ahina aanay wada dabeecad iyo dhaqan wanaagsanayn, haddana marka loo eego heerka beenta iyo dhaqan xumadu ka gaadhay dadka ladan, waxa lagu tilmaami karaa mid intooda badani ku sifoobeen.

SomlegalAds

Madaxa kooxda baadhitaankan sameeyay oo lagu magacaabo, Paul Piff ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Ma odhanayno haddii aad tahay qof taajir ah oo ladan, waxa lagugu sifayn karaa in aad been iyo dhan xumo inta ugu badan noloshaada isticmaashid, mana odhan karno haddii aad ka tirsan tahay dabaqadaha kale ee bulshada waxa lagugu sifayn karaa qof dhaqan wanaagsan oo run sheeg ah.”

Khabiirkan ayaa intaa ku daray, “Waxa jira dhaqamo xun xun iyo dabeecado aad u layaab badan oo aanu ku aragnay baadhitaankayaga kuwaas oo dadka qaniga ah ku badan, waana macaamilka beenta ah iyo dhaqan xumo aad u saraysa.”

Cilmi baadhistan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadka hodanka ahi ilaalinta sharciga iyo hogaansanaantiisa kaga xun yihiin dadka dabaqadaha kale ee bulshada, waxa ay warbixintani soo qaadatay xogo tira badan oo ay ka heshay saldhigyada iyo xarumaha ammaanka kuwaas oo cadaynaya in dadka ugu badan ee ku xad gudba, waddo marista iyo ishaarooyinka gaadiidka kala celiya ay yihiin, dadka hodanka ah ee wata gaadiidka aadka u qaaliga ah.

Ugu danbayntii warbixintu waxa ay xustay in dadka tujaarta ahi aanay balanta u fulin sida kuwa kale ee la midka ah, waxa kale oo ay tilmaantay in wax kasta ay si khaldan u isticmaalaan, wallow warbixintu sheegtay in waxyaabo badan dadka ka agdhow oo jecel lacagta iyo u hogaansanaantu ay u horseedaan.

Cilmi baadhistan ayaa sheegtay in dadka lacagta badan lihi aanay biilasha laydhka, telefoonka, biyaha iyo cashuuraha waajibka ku ah muwaadiniinta u bixin si caadiya, taas oo aan la garan karin, sababta xitaa haddii hawl wadeenada ka hawl galaa ixtiraamayaan ay iyagu u bixin waayeen, waxa jira kuwo lagu soo noqnoqdo marar badan oo waxa laga doonayaana aad u yar yahay, ama aanu u qalmin in wakhti intaa leeg laga sugo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.