WorldRemitAds
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Sucuudigu oo adeegsanaya, gaadiidka gaashaaman iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaano, ayaa ka talaabay xadka dalkooda, gudahana u galay waddanka Yemen si ay u soo furtaan ama u badbaadiyaan saacad kuwa gacanta lagu xidho ah oo ku luntay degaanada buuraleyda ee xadka ku teedsan.

Sida uu cadeeyay wariyaha Telefishanka Al Akhbariya ee dalka Sucuudiga uga soo warama, aaga hore ee xadka Yemen iyo Sucuudigu, ciidamada kamaandowsta Sucuudiga ayaa hawl galkoodan ku soo badbaadiyay, saacad uu lahaa, mid ka mid ah askartoodi ku dhintay dagaaladii ugu danbeeyay ee degaanadaas ka dhacay.
Ciidamada SucuudigaSida wariye Cusman Qamidi uu ku waramay, askarigan ku dhintay dagaalka oo uu Shahiid ku magacaabay, ayaa xaaskiisu dalbatay in loo keeno saacadiisi, taas oo ay haweenayda uu askarigaasi ka dhintay, si adag u codsatay, waxaana wasaaradda gaashandhiga dalka Sucuudigu amartay in la qaado hawl gal, lagu soo bad baadinayo.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo tiknikadoodi iyo diyaaradahoodi wata ayaa isku biimeeyay, buraleyda halista badan, gaar ahaan goobtii uu askarigaas iyo ciidamo kale kaga dhinteen, waxaanay sameeyeen hawl gal aad u wayn oo ay dhul aad u balaadhan ku baadheen.
Sida uu wariyuhu sheegay ciidamada ayaa ku guulaystay inay helaan saacadii Askarigaas, taas oo sida uu sheegay, qiimo gaar ah ugu fadhiday xaaskiisa oo iyadu dalbatay in saacadii loo soo gacan geliyo.
Wariyaha ayaa sheegay in hawl galkaasi guul ku dhamaaday, nasiib wanaagna aan wax khasaare iyo dhibaato ahi soo gaadhin ciidamadii fuliyay, hawl galkaas uu ku tilmaamay mid astaan u ah qiimaynta dardaaranka iyo qofka dhulkiisa u dhinta ku leeyahay dalkooda iyo boqortooyada ka Talisa dalka Sucuudiga, sida uu hadalka u dhigay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.