WorldRemitAds
Runtii marka aad maqasho shirkad dalxiiska qaabilsan, waxa markiiba kugu soo dhacaya, xeebo neecawda macaan iyo jasiirado cagaaran oo aan ceeryoonka gaadiidka iyo cidhiidhiga magaalooyinka yara durugsan, ammaankoodu wanaagsan yahay oo iska daa wax ku cabsi geliyee, aanay xitaa tuugo ku xada aanay ka jirin.

Waana sababta qofku uu kaydka jeebkiisa ugu huro, inuu muddo kooban nasasho iyo qadar raaxo kooban ah soo qaato, si uu hawlihiisa shaqo fir fircooni iyo xiiso badan ugu helo.
Dalxiiska Goobaha Dagaalka SuuriyaLaakiin, bal ka waran, haddii lagu keeno kaadhka xayaysiiska shirkad dalxiis oo dadka gaysa goobaha ugu halista badan dunida, gaar ahaan jiidaha hore ee goobaha colaadaha iyo dagaalada ugu daran ee dunida?
Waxa hubaal ah in aad rumaysan waydo, oo aad is waydiiso, ma adigaa wax ka khaldan yihiin? Mana dhici karto in loo dalxiis tago, goobo dagaalo ka socdaan oo halis qofku ku gelayo?
Balse ogow in aadamiga waxyaabo badani ka suuroobaan, wax adiga layaab kugu ahna ay dadka qaar la wacan tahay.
Haddii aynu u soo noqono sheekadeenan Arrimaha layaabka aduunka ee aynu qormadeenan maanta ku soo qaadanayno, ayaa ah mid ku saabsan, shirkad cusub oo dhawaan laga asaasay dalka Ruushka, taas oo dadka danaynaya inay naftooda biimeeyaan, u dalxiis gaynaysa goobaha colaadaha ugu xun dunidu ka socdaan.
Shirkadan oo xafiiska diwaan gelinta meheradaha, figradaha iyo shirkadaha kala duwan ee gaarka loo leeyahay ee dalka Ruushku, uu aqoonsiga ganacsiga siiyay, ayaa ah mid dadka halis iyo mahlako u daad guraynaysa.
Sida uu sheegay mulkiilaha shirkadani, meelaha ugu horeeya ee uu qorshaysan inay macaamiishooda geeyaan, Dalka Suuriya ka kow yahay, waxaanu si gaar ah u calaamadiyay magaalooyinka duqaynta culus, ka socoto, gaar ahaan kuwa dhinacna dawladu haysato, daanta kalana kooxaha mucaaridku ka taliyaan.
Anatoly Oronov, oo ah mulkiilaha shirkadan ayaa warbaahinta u sheegay, in dalab badan ay heleen, dufcadii ugu horaysay ee dadka tagaya Suuriya ay qaadi doonaan todobaadkan, waxaanu tilmaamay, in goobaha ay dadkani doorteen ay yihiin, degaanada dagaaladu ka socdaan, duqaynta cirka iyo dhulka ahna la isku waydaarsanayo.
Sida uu ninkani sheegay, waxa ay fiisooyinka socdaalada dalxiiska goobaha dagaaladu ka socdaan, ka qaatay safaarada Suuriya ku leedahay dalka Ruushka, ka dibna wuxuu xidhiidh la sameeyay, hudheelada la dejinayo dadka macaamiishooda ah ee Suuriya la gaynayo, shirkadaha gadiidka ee tagsi ahaanta iyo safarada gudaha qaadi doono.
Waxa dhinacyada uu la xidhiidhay ka mid ah, kooxaha mucaaridka dhex dhexaadka ah, laakiin dagaal yahanada Dacish (ISIS), dhulka ay ka taliyaan qorshaha wakhtigan uguma jiro, mana jiraan cid soo codsatay.
Kooxaha dalxiisayaasha furimaha hore ee dagaalka, ayaa dufcad walba ka koobnaan doonta sadex ilaa shan qof, waxaana lagu wargeliyay in magaalooyinka qaarkood, aanay tagaasi iyo basas midna ka heli doonin, hudheelada iyo goobaha ay seexanayaana yihiin, kuwo maleeshiyo iyo ciidamo si wayn u hubaysani ilaalinayaan.
Waxa suuro gal ah, in dalxiisayaashu raacaan, gaadiidka gaashaaman ee tiknikada loo yaqaano, kuwaas oo qoryaha lidka diyaaraduhu ku rakiban yihiin.
Shuruudaha looga baahan yahay dalxiisayaasha soo dalbada inay tagaan goobaha dagaalka lama sheegin, oo sir ayaa laga dhigay, waana adeeg aad u yaab badan, waana sababta aynu ugu dooranay, qormadeena arrimaha layaabka aduunka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.