WorldRemitAds

“Intaa waxaa dheer in ay shabaag soo tuurayaan oo ay ku ugaadhsanayaan duur joogta dalka”

Badhan, Somaliland, December 15, 2015 (Saxafi) – Maayarka Magaalada Badhan Cabdale Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Diyaarado maalmihii ugu dambeeyay duulimaadyo Ugaadh doonis ah ku imanayay deegaano ka tirsan gobolka Badhan.

Diyaaradahan ayaa qasaare soo gaadhsiiyay xoolo nool oo ku dhaqnaa deegaano ka tirsan deegaanka Badhan.
Maayarka Degmada Badhan ee Gobolka Badhan Cabdalle Maxamuud oo khadka tilifoonka ugu warramay Tifaftiraha Xogsoormedia, isagoo ku sugan degmada Badhan, ayaa intaa ku daray in ay Xukuumadda sare ay ku war galiyeen khatarta ay diyaaradahan duulimaadyada hoose ku duulaya ee Ugaadha gobolka Badhan ku soo duulay ay ku hayaan.
Diyaarado Ugaadhsi oo khaatiyaan laga joogoWaxaanu intaa ku daray in ay qasaare badan geysteen isla markaana ay duunyo badan oo ku dhaqan gobolka Badhan. “Horta diyaaradahani waxay ka soo duuleen dhanka Badda waxaanan u malaynaynaa in ay yihiin diyaaradaha Millatariga eek u sugan biyaha badda Soomaaliya ee ka dul duula Maraakiibta Ciidamada waxaanay deegaanka  ku yimaadeen duulaan ay ku soo qaadeen Qaranka Somaliland oo ay ku soo xadgudbeen hawadiisa intaa  waxaa dheer in ay shabaag soo tuurayaan oo ay ku ugaadhsanayaan  duur joogta dalka ee gobolkan Badhan hodanka ku yahay,waxaa kale oo ay qasaare u geysteen xoolo tiro badan  iyo dadweynihii xoolo raacatada ahaa,” ayuuu yidhi Maayar Cabdalle.
PHOTO FILEMar uu ka hadlayay cidda diyaaradaha leh iyo tallaabada ay maamul ahaan qaadanayaan, ayuu yidhi Maaayar Cabdalle. “Horta waa duulaan qaranka lagu soo qaaday cidda tuugada ahina isma sheegto illaa la iska celiyo markaa anagu shir ayaanu ka yeelanay go,aanna waanu ka soo saarnay waxaanan hawl galinay Ciidanka qaranka oo amar ku haysta in ay tallaabo ka qaadaan diyaaradahaa Millatarigu leeyahay ee Helikobtarka ah ee hawada Somaliland intay ku soo xadgudbeen waliba qasaarahana ka geystay ee udhaadhii dalkana sharci darada ku qaadanaya markaa dadweyhana  reer guuraaga ahna waanu u sheegnay in ay iska celiyaan Millatariguna waa u diyaar oo wuu ka difaacayaa dalka  imikana hawl galka way ku jiraan ciidan iyo shicibba diyaaradahaa dagaal ayaa lagala hor tegayaa waana la iska difaacayaa,” ayuu yidhi Maayarka Degmada Badhan ee Gobolka Badhan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.