Khamiistii bishii October 8, 2015, waxa dunida looga dabaal degay xuska maalinta arag indhaha ee aduunka, taas oo qaramada midoobay si rasmi ah ugu dartay, maalmaha caalamiga ah ee xuskoodu waddamada Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa looga baahan yahay inay xusaan.
Xuska maalinta araga indhaha ee aduunka ayaa ujeedada loo doortay la xidhiidha, sidii wacyi gelin dadka looga siin lahaa, cudurada indho la’aanta keena iyo kuwa araga indhaha waxyeelada u gaysta, dhinaca kalana daryeel iyo digtoonaan ay u samayn lahaayeen.
Qaramada Midoobay ayaa khamiista labaad ee bisha October u dooratay in xuskaas dunida oo dhan laga qabto, si wacyi gelin bulshada looga siiyo halista cudurada nadaafad xumada ka dhasha iyo cuduro kale oo indho beel keena.
Cudurada indhaha ku dhaca ayaa boqolaal milyan oo dadka dunida ku nool ah ku dhacay, waxaanay isugu jiraan, kuwo iyagoo carruur ah dhibaato kaga dhacday araga indhaha iyo kuwo gabow iyo dhibaatooyinka saboolnimadu ku keentay.
Sida warbixin laga diyaariyay dhibaatada indhaha iyo tiradda dadka indho beelay, kuwa aragoodu liito iyo kuwa xanuuno indhaha kaga dhaceen ayaa kala ah sidan:-
285 Milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku kala nool, ayaa la sheegay inay ka cabanayaan hoos u dhac dhinaca araga indhaha ah, oo waxa hoos u dhacay ama ay ka liitaan araga noocyadiisa kala duwan, tusaale ahaan aragtida dhow iyo ta fog, habeenkii iyo wakhtiyada iftiinta badani jiro.
Ku dhawaad boqol iyo labaatan milyan oo ka mid ah dadka aragoodu diciifay ayaa xanuuno ku dhacay iyo dawo xumo awgeed, aragoodu hoos ugu dhacay, taas oo macnaheedu noqonayo in aanay dadkani helin daryeel caafimaad oo ku haboon.
Boqolkiiba sagaashan dadka ugu badan ee dhibaatada caafimaad indhaha kala soo daristay iyo kuwa ka cabanaya hoos u dhaca araga indhaha ayaa sida warbixintu sheegtay, waxa ay ku nool yihiin, waddamada cunto yaraanta iyo abaaruhu ku badan yihiin, gaar ahaan qaaradaha afrika iyo Eeshiya.
Dadka caadka indhaha kaga dhashay awgeed u indho beelay ee dunida ayaa warbixintu xustay in boqolkiiba sideetan ay yihiin, dadka da’doodu konton jirka ka wayn tahay.
Tirada carruurta shan jirka da’doodu ka yar tahay ee indhoolayaasha dunida ku nool ayaa warbixintu ku sheegtay Hal milyan iyo afar boqol oo kun oo carruur ah, kuwaas oo aan waxba arki Karin isuguna jira kuwo ku soo dhashay iyo kuwo xiligii dhalashadooda ku indho beelay.
Ugu danbayntii sida warbixintu sheegtay waxa dunida ka jira lix nooc oo indho la’aantu u qaybsanto, kuwaas oo kala ah, Indho beel dhamaystiran oo dam uu qofku ka noqdo aragtida indhaha.
Indho beel qaybo ama kala badh araga uu qofku waayo kuwaas oo badankooda xanuunada la iska dhaxlaa sababaan.
Indho beel shil ama dhaawac ku dhacay qofku keento, waxaanay indho la’aantan inta badan sababa dhaawac haleela neerfayaasha dareemayaasha araga aadamiga.
Labada nooc ee shan iyo lix ayaa kala ah, indho la’aan habeenkii ku kooban, taas oo Somalidu u taqaano “Habeeno”, waxa ay ka mid tahay noocyada indho beelka ee dad aad u tiro badani ugu dhibaataysan yihiin dunida.
Indho la’aanta lixaad ayaa ah mid nafsaani ah, taas oo afka qalaad loogu yeedho (Psychological blind), waxaana noocan indho la’aanta ah ka cabanaya dad aad u tiro badan oo dunida ku nool.