WorldRemitAds

Khubarada caafimaadka ee dalka Maraykanka ayaa rejo wayn ka muujiyay dawo cusub, oo dadka balwaduhu jiiteen ee sida daran ugu mamay, dabiib uga noqon karta inay gabi ahaanba ka hadhaan oo ay iska joojiyaan daroogada iyo isticmaalkeeda.

Sida inta badan shabakadaha arrimaha caafimaadka aduunka ka waramaa ay baahiyeen, khubaro ka tirsan Jaamacada Texas ee dalka Maraykanka ayaa ku guulaystay tijaabada kiniin joojinta daroogada iyo balwadaha u gaar ah.

SomlegalAds

Taas oo suura gal ka dhigaysa in dadka balwaduhu la talax tagay, ay si kama danbays ah u joojin karaan balwadaha gaar ahaan, khamriga iyo Alcohol-ka ay la qabatimeen, waxaana tijaabada dawadan oo ka socota shaybaadhka Jaamacadda Texas noqotay mid lagu guulaystay.

Dawadan oo loogu magac daray “JVW-1034”, ayaa lagu tijaabiyay dhawr jiir oo la qabatimay cabista Alcohol-ka, kuwaas oo aan hore ugu mamay, maalin kastana cabi jiray haddii ay waayaana cunto joojin samayn jiray.

Jirarkan ayaa sida la sheegay markii dawadan cusub la siiyay, ka soo doogay dhibaatadii daroogadu ku haysay, fir fircooni badana la soo baxay, markii baadhitaan lagu sameeyayna la ogaaday in darooga badani jidhkooda ka baxday.

Khubarada ikhtiraacay dawadan ayaa ku tilmaamay mid wax tarkeedu aad u sareeyo, taas oo aan curuuqda iyo qaybaha kale ee jidhka aan wax dhibaato ah ku keenayn, si gaar ahna u abaaraysa qaybaha maskaxda ee daroogada la qabatima.

Dawadan ayaa sida la sheegay ka tayo wanaagsan dawooyinkii hore loo hayay ee noolayaasha balwadaha ku mama lagula tacaali jiray, waxaanay khubaradani rejo wayn ka muujiyeen in dawadani xal kama danbays ah u noqon doonto, dadka balwadaha ku mamay oo ay u badan tahay inay si dhib yar uga hadhi doonaan daroogada.

Khubarada Jaamacada Texas ee dalka Maraykanka ee tijaabada dawadan cusub ee balwad joojinta ku hawlan ayaa ka waramay tijaabooyin kale oo ay ku samaynayaan dawadan, kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu ogaado inay dhibaato ku keeni karto, qaybaha kale ee jidhka, xididdada iyo lafaha jidhka, waxaanay tijaabooyinkani suura gal ka dhigi doonaan in dhibaato kasta oo dawadan leedahay meesha laga saaro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.