WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 3, 2015 (Saxafi) – Maamulka Dawladda hoose iyo xildhibaanadda golaha deegaanka, ayaa degmadda 26 June ka samaysay olole Waddo Baneyn iyo balaadhin ah iyo mid cashuur ururin ah taas oo dadweynaha degamddan si fiican ula shaqeynayeen maamulkoodda.

Gudoomiyaha degmadda lix iyo labaatanka juun Mawliid ayaa sheegay in degmaddan ka bilaabeen olole waddo baneyn iyo Cashuur ururin iskugu jirta taas oo dadweynaha cashuurtii ay bixiyeen wax loogu qabanayo, waxaanu ugu baaqay inay dadweynuhu cashuurta iska bixiyaan si wax loogu qabto.
Olole Waddo BaneynGuddoomiyaha degmadda lix iyo labaatanka juun oo ka hadlaya ololahan waxa uu yidhi “Toddobaadkan waxa aanu wadnay ololaha cashuur ururinta iyo ololaha waddo baneysta, waad ogaydeen in ololuhu baryahan socday, waxana leeyahay dadweynah cashuurta iska bixiya si wax la idinku qabto”
Xildhibaan Xasan Shahar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dadweynaha ka codsaday inay cashuurta bixiyaan, isagoo uga mahadnaqay dadweynaha deegaanka sida wacan ee ay ula shaqeeyeen, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Degmada 26 june ee sida balaadhan ololaha uga qaybqaatay ee ku faraxsan sida wadooyinka loogu banaynayo ee waliba la burburinayo meheradoodii si wadooyinka loogu baneeyo, waad ogtihiin wadooyinkii way wada xaniban yahay, si horumarku u socdo ka qaybqaato cashuur bixinta”
Dadweynaha degmadda lix iyo labaatanka juun ayaa si weyn usoo dhoweeyey waddo baneynta loo sameeyey xaafadoodda, gaar ahaan Idaacadda iyo xawaadlaba.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.