WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 3, 2015 (Saxafi) – La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee nabadeynta Gobollada Bari Garaad Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, oo uu dhalay mid ka mida hogaamiyeyaashii Dhaqanka ee ugu caansanaa gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka war bixiyey halka ay marayan howlaha nabaddeynta Gobollada uu ka soo jeedo, isla markaana uu madaxweynaha la-taliyaha uga yahay.

Garaad Cabdinaasir oo todobaadkan u waramay Warbaahinta Dawladda, ayaa rejo wanaagsan ka muujiyey qorshaha horumarinta Gobollada bari, iyo in guul laga gaadho khilaafka muddada dheer soo jiitamayey ee la xidhiidha arrimaha Siyaasadda.
Garaad CadinaasirWaraysigan lala yeeshay Garaadka oo ah mid dheer, ayaa waxa kale oo uu kaga waramay arrimo badan oo door ah, sida taariikh nololeedkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay dhismaha dalka.
Waxa kale oo uu soo jeediyey talooyin la xidhiidha sidii horumar looga gaadhi lahaa kala qaybsanaanta iyo qadiyadaha ma dhalayska ah ee ay wali gacanta kula jiraan hogaamiyeyaasha ka soo jeeda Gobollada uu ka soo jeedo, isagoo carabka ku balaadhiyey abaabulka Siyaasaddeed ee uu Cali Khaliif ka wado Sool iyo Buuhoodle. Garaadka ayaa dhaliilay mabaadi’da Cali Khaliif ku socdo, isagoo caddeeyey inaanay jirin haba yaraatee wax ku khasbaya ku dhegsanaanta fikirka Somaali-weyn. “Cali Waa nin reer Somaliland ah waxaana la gudboon inuu u soo laabto xaqiiqda,” ayuu yidhi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.