Dharaaro Xusuustood – Marxuum Cigaal Iyo Khudbadiisii Ugu Dambaysay

0
PropellerAds
Dharaaro Xusuustood Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 44aad
“Adoo gurigi barwaaqo ah geel dhalay ku haysta
Geedi lama lalabo oo abaar looma guuree
Anigaa isu geystoo galabsaday xumaantee
wixii ila garaadaw Gobanimo ha tuurina”
Saxardiid

1961 bishii Juun, ayaa Dastuurkii Somali Republic afti loo qaadayey, aftidaas oo ka dhacday labadii dal ee isku biiray 1960 ee kala ahaa Somalia iyo Somaliland. Waqtigaas shicibka Somaliland waa ka diiday isku darsigii oo markaas sannad qudha jiray.
Qoladii reer Soomaaliya ayaa isku wada ridatay xilalkii dawladda, qaybintii dawacadda ayaa ka dhacday “Libaax wada qaado.” Dadweynihii waa ka soo booday arrintii, markii Hargeysa laga hayaamay, hantiilihii, aqoonyahankii, saraakiishii, dhalinyaradii wax baratay, rag iyo dumar ee Xamar loo dareeray.
CigaalWaxa sharci ah lama kala saxeexan oo heshiis labada gole ama baarlamaan ay midba goonidii u ansixiyey ma jirin, sidaas darteed heshiis isku darsi ma jirin. Had iyo jeer Soomaalidu xagga sharciyadda waa ku liidataa waa waxay isu wada haysataa. Xeerka ayaa wax wada lahaanshaha iyo dawladnimadu ka unkataa. Waxa qudha ee markaas xalaalayn lahaa isku darsiga iyo midawga waxa uu ahaa dastuurka oo tilmaamaya isku darka haddii aftida labada qayboodba looga codeeyo oo laga aqbalo.
Laba sanduuq ayaa xaashida cod bixinta lagu kala ridayey mid madaw oo “maya dastuurka” ahaa, iyo mid cad oo “Haa dastuurka” ahaa, si loo niyad-jabiyo dadka diidan dastuurka sanduuqa madaw ayaa loo dooray.
Waqtigaas shicibka Somaliland ayaa diidanayd dastuurka iyo isku darka, sidaas darteed sanduuqa madaw ayaa lagu tilmaamay. Sanadkii 2001 waqtigii aftida dastuurka Somaliland loo diyaargroobayey ayaa la iiga yeedhay madaxtooyada maalin maalmahaas ka mid ah. Madaxweyne Cigaal oo ay la fadhiyaan guddigii maamulaysay aftida dastuurka, baan u imi.
Waxa laga hadlayaa warqadda codaynta waxa lagu qorayo. Markaas ayaan soo jeediyey in la qaato sanduuqii madoobaa iyo kii caddaa oo lagu kala rido warqadda codaynta. Markan ciddii dastuurka iyo gooni- isu- taagga diidani waxay ku qasbanayd inay ku riddo xaashida codaynta sanduuqa madaw, ciddi goonni–isu-taaggaa iyo dastuurka ogoli waxay ku ridaysay sanduuqa cad. Ninba waa mar eh mus ma kula koray!!
Somaliland Aftidii dastuurkaasi hore ee 1961 waxa badatay tiradii dadka diiday, sidaas darteed Somaliland waa diiday oo burisay isku darkii. Wixii ka dambaysay maalintaas, qayri sharci ayuu ahaa midawgi labada dal ee Somaliland iyo Somalia.
Dhinaca Somalia codayntii waa lagu shubtay oo sanaadiiqdii ayaa laga buuxiyey codad “Haa dastuurku” ah oo aan jirin. Waxa jirta magaalo yar oo markaas tuulo ahayd oo u dhexaysa magaalooyinka,Afgooye iyo Buurxakaba oo la yidhaahdo Wanno-weyn (Caano-weyn) afka dadka Eelayga ee halkaasi degga ee ah qabiilka Daafeed. Magacii waxa uu isu-beddelay dhinacan Somaliland Wallaweyn.
Waxa dhacday guddoomiyihii degmadda oo arrinta ku-shubashadda coddadka doorashooyinka iyo musuqmaasuqooda caan ku noqday oo la odhan jiray Ibraahim Boolis; ayaa waxa uu sheegay markii codayntii dhacday in degmada Wallaweyn ay ka codaysay 99 kun oo aan hal diidan lahayn oo u wada codeeyey dastuurka.
Akhristaw, Somaliland oo dhan boqol kun ayaa ka codaysay markaas. Waw halkaas ayaa waxa ka tisqaaday magaca wallaweyn oo loo aaneeyey khiyaamo iyo wax isdaba marin ka dibna kalsoonidii ayaa dhimatay is-aaminidiina waa luntay. Sidaas ayaa loo kala booday.
1960 dadka ku noolaa Somalia waxa lagu qiyaasay hal milyan iyo laba boqol iyo konton kun (1,250,000); dadka ku noolaa Somaliland-na waxa lagu qiyaasay lix boqol iyo sideetan kun (680,000). Sidaas oo ay tahay Aftidii dastuurkii 1961 waxa dawladdii ku sheegtay in hal milyan iyo laba boqol oo kun (1,200,000) ay codeeyeen dhinaca Somalia, dhinaca Somaliland boqol kun (100,000). Waar bal day maxaa ku baxay boowe! Waxba ha yaabin.
Codayntii aftida dastuurka Somaliland waxa Guddigii maamulaysay sheegtay in ay codeeyeen hal milyan iyo laba boqol oo kun (1,200,000). Dadweynaha reer Somaliland waqtigaas waxa lagu qiyaasay Saddex milyan.
Nin aanu isku majlis nahay oo Ciidagale ah oo la dheho Xasan Guure Jaamac, ayaa marka dhacdo isla mid ah wararka adduunka lagu sheego ayuu yidhaahdaa waar; “Dadku waa wada Ciidagale.” ama ha caddaado ama ha madoobaado ama indha-yar ha ahaado, waa dad uun oo isku si ayey u fal celiyaan! Aan tixraaco Xasan Guure eh Soomaalidu waa wada Wallaweyn!
Wax yar ka dib markii aftidii dastuurku dhacday 1961 bishii June, ayaa waxa fatahay labadii webi ee Shabeelle iyo Jubba ee Somalia. Daad ayaa qaaday beerihii iyo dadkii, Ciidamada Maraykanka ayaa u soo gurmaday oo badbaadiyey. Waxa iyana jirtay in wadaaddada reer Somaliland ay u ololaynayeen waqtigaas dastuurka in la qaato oo loo codeeyo; deeto codkii suuqii ama ra’yigii dadweynaha ayaa arrintaas qoonsaday. Waxa markaas soo booday hadal-hayskan, “Ilaahii Wallaweyn webiga ku furaw annana naga qaad wadaaddada.” Ayaamahan suuqu waxa uu leeyahay “Ilaahi Wallaweyn Washaysiga badaw, annana naga……. Suldaanada.”
Marxuun Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, khudbaddii u dambaysay ee uu khayriyada ka jeediyo waxay ahayd 18 May 2001. Ma ku simin naftu inuu gaadho 18 May-dii 2002 ee waxa uu xijaabtay 3 May 2002.
Haddaba khudbaddaasi markuu jeedinayey (oo ahayd xilligii aftida dastuurka la isu-diyaarinayey) waa uu xannuunsanayey waxa makrafoonka u hayey Marxuun Cismaan Basbaas oo duqa magaalada Hargeysa waqtigaas ahaa.
Anigu waxan fadhiyey kursi agtiisa ah, markuu u soo baxayey mensada garabka ayuu isii qabsaday, Illaahay ha u naxariisto. Wax badan ayuu ku soo qaaday khudbaddaasi, oo ay ka mid ahayd aftida dastuurka. Waxa uu sheegay inuu filayo in tirada dadka u codeeyey dastuurku ay noqonayso boqolkiiba sideetan (80%) Waxa u codeeyey boqolkiiba 97%. Waxa uu yidhi axsaab ayaad ku tartami doontaan, waa lagu tartamay, waxa uu gacanta ku fiiqay hortiisa iyo dhinca shacabka oo yidhi guryo dhaadheer oo kuwa Dubai ku yaal ayaad halkaas ka dhisan doontaan waa laga dhisay. Waxa uu yidhi markaas anigu idin lama joogo ka hor ayuu alaystay. Nin weyni wedkiisa waa yaqaan. Ayaamahaas uu xannuunsanayey ayaa la arki waayey, markaas ayaan Daahir Rayaale oo Madaxweyne-ku–xigeenkiisa ahaa, ku idhi; “Waar Madaxweynihii ma u war haysaa?” Waxa uu igu yidhi; “Xalay ayaan u tegay oo idhi dhakhtar ma laguu qaadaa, waxa uu igu yidhi waar nin weyn ayaan ahay; oo nin weyni wedkiisa waa yaaqaanaa.”
Waxa jirtay markii aftida la isu diyaarinayey ayaa wadaad caan ah oo reer Burco ihi ka hor yimi aftida dastuurka oo yidhi waa xaaraan. Marxuun Cigaal khudbaddii khayriyadda ayuu fariin ugu diray sheekhii oo intuu magacaabay ku yidhi; “Hebelaw kaalay ila maqrayso, oo Hargeysa kaalay ha la ina dhegaystee.”
Marxuunku Jeelkii labaatan jiro ayuu Qur’aanka ku qaybay oo korka ayuu ka hayey. Wadaadkii ma iman Hargeysa lamana maqraysan marxuun Cigaal, hase yeeshee waa uu hadlay oo xalaaleeyey aftidii dastuurka. Bal waa taas eh afti dastuur ha laga qaadi karo meel Somali degto, carkee! Yaa ku dhaca! Halkan waa lagu dhacay wadiiqo kasta ha loo maree.
Isla sannadkii 1961 bishii December waxa dhicisoobay afgembi ay isku dayeen saraakiil reer Somaliland ahi, oo markaas ku sugnaa Somaliland. Ujeeddada afgembigu waxay ahayd in dib looga soo gurto oo laga soo noqdo isku darkii.
Raggii waagaa isku dayey afgembigaas waxa ka mid ahaa Marxuun Cabdi Dhalac, Marxuun Siciid Cali Giir iyo Marxuun Cabdikariin Cashuur Cabdule; saddexdaasi marxuun waxay ka soo jeedeen Deegaanka Laascaanood iyo Laas-qoray.
Safiir Cawil Xaaji Cali Ducaale iyo Safiir Cabdillaahi Kongo ayaa ka nool raggaasi, inta aan ka war hayo. Halganka gobanimo-doonka ilaa kii daraawiishta ee isticmaarka lagula dagaalamayey, kii axsaabta iyo kii jabhadda xoraynta Soomaaliyeed (SNM) dadka mandaqadda degaa waa ku wada jiraan mar kasta, haloo kala batee mararkaasi. Haddaba yaan maskaxda dhallinyaradda soo kacaysaa lagu abuurin taariikh kooban, oo dadka kala takooraysa.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.