WorldRemitAds
Xukuumadda KULMIYE waxay beryahanba wiiqaysay ama isku dayeysay inay meesha gebi ahaan ba ka saarto tiirarkii nidaamka dimuqraadiga ee Somaliland ku soo caano maashay muddadii 24 sannadood ee ay jirtay si keligeed saaxadda siyaasadda ugu jirto.

Haddaan tusaalooyin soo qaato waxay ka bilaabantey doorashooyinkii ururada siyaasadda ee qabsoontey 2012, taas oo aynu ka wada dheragsanahey maamul xumada  iyo isdaba marinta ka dhacdey inay sababtay  cabashooyin iyo mudaaharaado lagu diidan yahey natiijada ka dhalatey doorashooyinkaas oo geyaysiisay  Somaliland  inay markii ugu horeysey ka dhacdo doorasho dhiig ku daato, nabadgelyaduna khatar gasho.
Xukuumadda KULMIYEWaxa ku xigtey weerarkii ay xukuumadda KULMIYE ku qaadey  saxaafadda iyo saxafiyiinta madaxa bannaan si aanu shacabka Somaliland u ogaan cadaalad darrada iyo boobka hantida ummadda lagu hayo iyo shirqooladda siyaasiga ah ee Somaliland loo maleegayo, sida wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee Turkigu qabqablaha ka yahey. Waxaaney xidhey saxafiyiin badan, (Soomaalidu waxay tidhaahda ‘’maxaa meyd u danbeeyay iyo kaa iminka la sii sido.” Waxa si sharci darro ah dorraad la soo xidhey labada weriye oo kala ah Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdillaahi) iyo warbaahin badan oo ilaa maanta qaarkood  albaabadu uu laaban yihin sida Somaliland Times iyo Haatuf.
Waxay gaashaanka ku dhufatey sharcigii ay golaha Wakiiladu soo saareen ee ay ku xaaraantimeeyeen in cid gaar ah oo madaxtooyadu wadato lagu wareejiyo haamaha shidaalka Berbera.
Waxa hubaal ah, si loo helo dimuqraadiyad caafimaad qabta waxa laga marmaan ah in dimuqraadiyadu ka hana qaado axsaabta dhexdooda haddey tahey go’aan qaadasho, doorasho, iwm. Waxaynu ogsoonahey doorshadii guddoomiyaha xisbiga KULMIYE in la diidey in Muuse Biixi cidi la tartanto. Waxa kaloo jirtey in musharaxnimada Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE in Muuse Biixi keligi tartamay markii musharaxiintii kale loo joojin waayey cabashooyinkoodii ay ka muujiyeen qaabka loo wado shirka golaha dhexe kuna tilmaameen afduub dhagareysan.
Haddaba waxeynu iminkana maqleynaa in xukuumadda KULMIYE u gudubtey axsaabtii mucaaridka oo kharash badan ku bixineyso si ay uu reebto musharaxiinta Madaxweyne ee ay isku haybta yihiin Muuse Bixii. Markaa miyaanay u ekayn in Xukuumadda KULMIYE doonayso in dalka uu ka samaysmo xisbi keliya oo la mid ah ee Hanti-wadaaga kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ee Keligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre sammaystay.
Alla mahad leh,
Eng Baashe Cabdi Gaboobe.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.