Dhibaatadda Dadka Ka Haysata Xafiisyadda Dawladda Hoose Ee Hargeysa

“Madax ilaa Mijo waxay ka siman yihiin qaabka foosha xun ee ay ula macaamilaan dadweynaha ay adeegga u hayaan”

Muwaadiniin Maayarkii Hargeysa ee ay doorteen albaabka ka xidhay, una sameeyay daaqad yar oo uu ka sheedaalin karo.
WorldRemitAds

Warbixin: Barkhad-Ladiif M. Cumar

Dawladda Hoose ee magaaladda Hargeysa ayaa Waxa ragaadisay horumarkiina u diiday maamul xumo iyo tacadi ay u geysato muwaadiniintii xilka u dhiibtay ee ay u adeegayeen, iyadoo mararka qaarkoodna lagu eedeyn karo inay waddo niyad jabin ganacsiga yaryar ee soo koraya.

Baadhitaan dheer oo aanu ka samaynay arrintan waxaanu ku ogaanay xidhiidh xumadda wada shaqayneed ee ka dhexaysa dadka iyo madaxda sare ee dawladda hoose (madax ilaa mijo), iyadoo aad moodaysid qof waliba xafiiska uu joogo inuu leeyahay qaabka uu la macaamilayo dadka uu adeegaha uga yahay xafiiska uu joogo, sidoo kale waxa jira ixtiraam daro ay dadku ku qabaan madaxda dawlada Hoose, Waxayna markiiba indha ku dhufanaysa masuul xafiis fadhiya oo u hanjabaya muwaadin shaqo ka soo gashay xafiiskiisa, iyadoo mararka qaarkood uu ugu hanjabayo inuu xidhayo, “Maxaad doonaysaa, haddii aanad waxaasi samayn waydo xadhiga iyo meherada oo aanu ka xidhno ayaanu kugu dari, waar qabta oo xidha, uma baahnin wax cabasho ah” sidaas waxa ula hadlayey qof muwaadin ah masuul ka tirsan degmada Koodbuur, isagoo muwaadinkiina ku baryootamayo “Guddoomiye maxaan sameeyey, waynu wada hadlaynaaye hanjaabadda iga daa, miyaanad arkayn sida aan kula hadlayo, waan cabanaya ee cabashadayda halkeen ula tagaa”.

WorldRemitAds

Arrimahani waa wax maalin kasta ka dhaca xafiisyadda dawlada hoose degmo ilaa xarunta dhexe ee weyn, oo haddii aad soo booqataid aad ku arkaysid dhibaatadda masuuliyiintaasi xafiisyada jooga iyo dadka kala haysta.

Markasta oo xafiis aad gashid xafiisyadda dawlada hoose inta badan dadka ka soo baxaa waxa uu ka soo baxayaa isagoo muraara dilaacsan dibnahana hoos u qaniinay, caga jiid iyo is ciil kaanbi uga baxayo, wax uu samaynayana aan garanayn, ilaa uu sameeyo masuulkani waxa uu rabo inuu yeelo mooyee, cid uu uga cawdaana aanu jirin, waayo waxa uu la kulmay masuulkii uu hawsha ula tagayey oo saacado badana ka lumiyey, hanjabaad iyo awood sheegashana ugu daray iyo dhagaysi la’aan hawsha uu wato.

Muddo dhawr cisho ah oo baadhitaankan aan ka waday dawladda hoose iyo degmooyinkoodda qaarkood oo mararka qaarkood aan iska dhigayey qof shicib ah oo muraad ka soo galay xafiisyadoodda, ayaa markiiba waxaan dareemay tobabar la’aanta haysta shaqaalaha iyo madaxdda dawladda hoose, taas oo kuu muujinaysa in aan dadkan lagu aamini Karin xafiiska loo dhiibay, isla markaana ummaddi loogu dhiibay xafiiskoodda ay u awood sheeganayaan.

Hawlgalkan shaqo ee aan ku eegayay qaabka ay u shaqeeyaan iyo qaabka ay dadka ula macaamilaan iyo masuuliyiinta u sareeya sida ay dadka ugu adeegaan. Waxaan aan baadhistii ugu horeeyey ka bilaabay xafiiska duqa magaaladda Hargeysa, Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa meel aan u dhoweyn xafiiska Maayarka oo laba dabaq ah, dabaqa hoose, albaabka dibadda ee weyn ee xafiisyadda hoose ku yaallaa ayaa waxa jooga laba askari oo cidkasta oo xafiiska maayarka u socota joojinaysa, xiitaa xafiisyadda kale ee hoose ayaanay shaqo ka socon maadaama oo dadkii laga joojiyey, labadda askari ayaan u sheegnay in hawlo shaqo aanu ugu socono xafiiska Maayarka, balse si aan ixtraam lahayn ayay askartii noogu Jawaabtay isagoo qaylinayanna waxaa uu yidhi.(ka dhaqaaqa meesha, waaryaa naga joog)sidaas waxa ku dhowaaqay askariga maayarka ka ilaalinaya buuqa iyo dadweynaha dantu ka gashay, waxa uu noo sheegay in aanay ciddi gali Karin oo aan la ogalayn, iyadoo si argagax lena noola dhaqmay, inyar ka dib waxa halkii anagoo taagan noo yimid odayal cuqaal ah, waxay askartii u sheegeen inay maayarka u socdaan oo ay balan la leeyihiin, waxayse markiiba u sheegeen in aanay cidi u tagi Karin, haseyeeshee muddo ka dib waxay odayaashii baryeen askarigii inay hawl u leeyihiin haddii aan dhamaantood la siidaynayna hal Oday u galiyaan “Askari maayarku wuu nala balansanahay haddii aanad na sii deynayn odaygan uun u siidaa”ayuu yidhi mid ka mid ah cuqaashi oo meel shabag ah kala hadlaya askariga, dadku waxay wejiga soo saarayaan albaab shabag ah oo uu gudaha soo taagan yahay askarigu.

Muddo nusasaaco ah oo aan albaabka taagnaa oo aan indho indhaynayey qaabka loo helo maayarka marka ay dadku hawli ka soo gasho, ayaa albaabka kulla kulmay mid ka mid ah dadkii albaabka laga sii dayey ee xafiiska maayarka tagay. Maayarku waxa uu ka mid ahaa xildhibaano ay dadku soo doorteen, haseyeeshee, dadkii soo doortay waxa hortaagan oo ka ilaalinaya inay la kulmaan askari meel ka durugsan dadka kaga qaylinaya si aanay ugu soo dhowaan agagaarka xafiiska Maayarka oo uu maayarku dhigtay. “Runtii meel la yimaado maaha (dawladda hoose), aad baan uga xumahay in qaabka sidan ah loola dhaqmo, markii aan askarigii dhaafay ee aan xafiiska gaadhay, waxaan la kulmay wax I naxdin galiya, wax aanan noloshaydda aan I soo marin wax bani’aadanimadda ka baxsan…” sidaas waxa iigu bilaabay waraysi aan la yeeshay Maxamuud Jaamac oo xafiiska Maayarka nasiib u helay inuu hor istaago, isagoo tilmaamay inuu arkay waxyaalo ka yaabiya.

Xafiiska Maayarka qaabka uu u shaqeeyo iyo qaabka degmooyinka xaafaduhu ula dhaqmaan dadka waxaynu ku soo bandhigi doonaan cadadyada dambe.

La soco…. 

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.