WorldRemitAds

Hargeysa,Somaliland, March 12, 2012 (Saxafi)- Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa shalay loo qaybiyey laba xeer oo kala ah Xeerka nabad galyada wadooyinka iyo xeerka  biyaha oo uu madaxweynaha Somaliland kaabis iyo wax ka bedel  ku soo sameeyey, dibna dib ugu soo celiyey golaha.

Fadhigan shalay ee golaha Wakiillada waxa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiillada Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu golaha usoo jeediyey inay soo akhriyaan labadan xeer ka dibna laga doodi doono.

Labaddan xeer ayaa ka doodistiisa iyo wax ka bedelkiisa ka bilaabmi doonaa golaha, waxaanay u gudbin doonaan golaha Guurtidda kuwaas oo ka sii hubin doono inta aanay madaxweynuhu saxeexan ama soo celin.

SomlegalAds

Sidoo kale, Mudanayaasha golaha wakiiladaSomalilandayaa u balamay inay toddobaadka dambe ansixin doonaan xeer maalmihii u dambeeyey doodiisu ka socotay golaha oo ah xeerka Bangiyadda islaamiga ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.