WorldRemitAds

Gabadh yar oo dhalashadeedu Sucuudi tahay, oo dhibaato caafimaad daro haleeshay iyadoo sadex jir gaadhin, kana go’day oomatada muddo toban sanadood ahna ku soo noolayd cabitaano sharaab u badan, ayaa qaliin dhakhtar Hindi ahi ku sameeyay u suura geliyay inay wax cunto oo jidiinka cunto mariso.

Sida ay ku warameen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta dalalka Sucuudi Arabiya iyo Hindiya, gabadhan yar oo ka soo jeeda degaanka, magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarama, ayaa muddo toban sanadood ah, ku noolayd sharaab kaliya, waxaana sabab u ahaa fiix ka soo baxday hunguriga oo ka xidhay inay jidiinka mariso wax cunto ah.

Gabadhan yar ayaa fiixdani ka soo baxday iyadoo sadex jir aanay da’deedu gaadhin, waxaana muddo dheer loo raadinayay, dhakhtar qaliin ku sameeya, kana samata bixiya dhibaatada nololeed ee ay ku hayso.

SomlegalAds

201510311031563Fiixdan ayaa ahayd mid koriin samaynaysa waxaanay gaadhay qiyaas far dhexada qofka qaan gaadhka ah, ku dhow dhow, waalidka dhalay gabadhan yar ayaa marar badan isku dayay inay dhakhtar ka qala u helaan, hasa yeeshee mar kasta oo ay geeyaan cusbitaal oo laga qaado sawir waxa lagu wargelinayay inay halis tahay, meel halis ahna ka baxday oo aanay ku dhacayn qaliinkeeda.

Ugu danbayntii waxa waalidka gabadhan yar dhalay ay ku qanceen inay geeyaan, xarunta qaliinada fiixda iyo burooyinka, ee magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, taas oo Illaahay Faraj ka siiyay, qaliin culus ka dibna ku guulaysatay inay fiixdaa halista ah ka gooyaan gabadhan yar.

Sida waalidka dhalay gabadhan yari ay sheegeen qaliin is daba joog ah oo muddo sideed cisho ah ay ku sameeyeen, gabadhaa yar ka dib waxa ay ku guulaysteen inay si kama danbays ah uga gooyaan, fiixdii, una dhayaan hungurigii, ilaa ay awooday inay liqdo oo jidiinka mariso cuntadii ugu horaysay muddo toban sanadood ah ay hunguriga mariso.

Warbaahinta labada waddan ayaa baahisay muuqaalka gabadhan yar oo garab taagan dakhtarkii qaliinkaa hogaaminayay, oo ay ku wada sugan yihiin cusbitaalkii lagu qalay, waxaana sida ay waalidka dhalay gabadhan yar ay sheegeen dhakhtarku u ogolaaday inay liqdo, hudhmo keeg ah oo ay calalisay, taas oo u ahayd oomatadii ugu horaysay ee muddo toban sanadood ah ay jidiinka mariso.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.