WorldRemitAds

Tower Hamlets, London, UK, November 20, 2015 (Saxafi) – Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay taageeradooda ah in Somaliland tahay dal Madax banaan, kadib markii ay cod aqlabiyad ah ku taageereen mooshin la hor geeyay golahaas Arbacadii dorraad kaas oo lagaga dalbanayey inay Somaliland u aqoonsadaan inay tahay dal madax banaan.

In ka badan 150 qof oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee degmadaas ayaa Arbacadii doraad isugu baxay xarunta Golaha Deegaanka ee Tower Hamlets oo uu golahaasi ku lahaa fadhi ay xubnaha golahaasi u dhammaayeen, kaas oo lagu ansixiyey mooshinka aqoonsiga Somaliland in golahaasi u aqoonsaday dal madax banaan.

Tower-Hamlets Councill on Wednesday Nov 18, 2015Mooshinkan lagu taageerayay madax banaanida Somaliland ayaa waxa golaha deegaanka ee Tower Hamlets hor keentay Ciir Aamina Cali oo xubin ka ah golahaas, lagana soo doortay Bow East iyadoo ka mid ah xisbiga Labour, taas oo ka hadashay muhiimadda uu mooshinkani ugu fadhiyo jaaliyadda Somaliland ee magaaladaas, waxaanay tidhi: “Golahayagu wuxuu rumaysan yahay in dadka reer Somaliland ay door la taaban karo ku leeyihiin horumarka Tower Hamlets, isla markaana ay Jaaliyadda Somaliland tahay kuwo qadiimisan degmadan. Sidaas darteed, waa in Golahani si adag u taageero culaysyada sii kordhaya ee lagu doonay aqoonsiga Somaliland inay tahay dal madax banaan, taas oo u saamixi doonta Somaliland inay kursi ka hesho Qaramada Midoobay. Hadda Golahani wuxuu xal gaadhay taageerada ololaha loogu raadinayo Somaliland in loo aqoonsado dal madax banaan. Iyadoo dhinaca kalena taageerada Mooshinkani ay muujinayso in golahan deegaanku dhegaystay bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan degmada Tower Hamlets.”

SomlegalAds
Somaliland supporters after Tower Hamlets 'recognition' vote
Somaliland supporters after Tower Hamlets ‘recognition’ vote

Maayarka degmada Tower Hamlets, John Biggs ayaa isaguna taageeray Mooshinka Ciir Aamina Cali, halka Maayar Ku-xigeenka Ciir Sirajul Islam isagoo arrintan ka hadlaya uu yidhi: “Jaaliyadda Somaliland waxay wax ku darsadeen ama taageero wanaagsan soo siiyeen Britain, sidaas darteed, in maanta aanu aqoonsanaa mid muhiimad weyn ku fadhida.”

Sidoo kale, mooshinkan ayaa waxaa taageeray Xubnaha Golaha Deegaanka ee madaxa banaan, waxaanay Xildhibaanada Ciir Rabina Khan oo Xildhibaanada Madaxa banaan ka mid ahi ay sheegtay dhibaatada budhcad baddeeda ee ka jirta xeebaha Somalia, ay Somaliland oo loo aqoonsado dal madaxbanaan door muhiim ah ku yeelan karto, waxaanay iyadoo soo xiganaysa hadal uu ku baaqay Mudane Baarlamaanka Yurub ka tirsan ay tidhi: “Mudane Godfrey Bloom MEP oo ka hadlayey dhibaatada budhcad baddeedu wuxuu inoo sheegay in xalkeeda ay ka mid tahay in Somaliland loo aqoonsado dal madax banaan. Miyaanay dani inoogu jirin inaynu taageerno qayb ka mid ah dunida baadigoobay inay nabadgelyo iyo degnaansho samaysato.”

Cllr Rabina Khan (left) joins Somaliland campaigners for a 'selfie' after Tower Hamlets 'recognition' vote
Cllr Rabina Khan (left) joins Somaliland campaigners for a ‘selfie’ after Tower Hamlets ‘recognition’ vote

Hase yeeshee Xildhibaanada golahaas ee ka soo jeeda xisbiga Conservative-ka ayaan raali ka ahayn in golahaas la horkeeno mooshinka, waxaanu Xildhibaan CIIr Chris Chapman oo xisbiga Conservative-ka ahi sheegay in aragtida xisbigiisu tahay in aanay shaqada Golahoodan u xilsaaran yahay ku jirin inay ka doodaan arrimaha caalamiga ah.

Laakiin wixii intaas ka dambaysay ayaa waxaa la galay in mooshinkaas cod loo qaado, iyadoo ay lagu ansixiyay mooshinkaas ka dib markii ay u coddeeyeen dhammaan xildhibaanada ka soo jeeda xisbiyada Labour iyo Independent, taas oo ay si weyn ugu sacabiyeen taageerayaashii reer Somaliland ee golahaas ka soo hor xaadiray Arbacadii.

Golaha Deegaanka Tower Hamlets ayaa noqonaya golihii deegaan ee saddexaad ee ka tirsan dalka UK, ee si caam ah ugu dhawaaqa aqoonsiga Somaliland inay tahay dal madax banaan, iyadoo ay golahan ka horeeyay goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka Sheffield iyo Cardiff.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.