WorldRemitAds

Waa run, Xasan Cali Khayre Raysal Wasaaraha Somalia sidda uu ku dooday kuma laha heshiiska Dekeda Berbera oo cid wax ka weydiisayba ma jirto. Waana sababta keentay in markii uu soo degayba uu shir-jaraa’id kaga jawaabo.

Waxaa kale oo run ah, in Khayre uu ku foognaa todobaadkii tagay oo uu u jooggay Imaaraadka Carabta shirar qarsoon oo dhagareed oo uu la lahaa Erik Prince iyo Kirill Dmitriev oo ah aas aasihii shirkadda Blackwater iyo Frontier Service Group (FSG). Waxaana laga wadda hadlay heshiis qorsoon oo labadan nin ee Qowlaysatadda ah Imaaraadku ku siiyay Qandaraad la sheegay inuu ku kacayo 10 Bilyan oo muddo socon doona, kaas oo ay kaga shaqeynayaan amaanka ama amaan xummada adeegyada maamul Gobolkeedka Koonfur Galbeed iyo Dekedda Barawe.

Waxaa intaas dheer oo la rumeeyay in Imaaraadku 12 Milyan oo Doollar oo kaash ah ku siiyeen Khayre inuu meel-mariyo heshiis-yadda danta u ah hawlgaladda Erik Prince iyo Kirill Dmitriev. Kuwaas oo u ololaynaya inay Amisom ka dib Somalia keenaan ciidamadooda calooshood u shaqaystayaasha ah. Hawlahan Imaaraadku waxaa uu ku leeyahay maal-gelinta sida la wariyay waana uu la qaatay Khayre. Waana laga diiday inuu heshiis horumarineed ee DP World wax ku yeesho. Waayo, Imaaraadku waa uu ogyahay in Heshiisyadda dhagarta ah ee dilka, Qaraxyadda iyo shirqoollada wax ka baxsan aanu waxba ka tarin karrin Khayre iyo Dowladdiisa magaca ahi.

SomlegalAds

 Laakiin, waxaa uu hadda uga jeeddaa hadalkan cusub sida la tilmaamay inuu ummadiisa ka jeediyo su’aalaha ka dhalan karra socdaalkiisa Imaaraadka ee ku soo beegmay heshiiska DP World iyo Somaliland iyo inuu Imaaraadka culays dheeraad ah ku saarro in laaluushka uu kula shaqaynayo loo kordhiyo.

Marka intaas hordhaca ah laga yimaaddo, haddalka cusub ee Raysal Wasaaraha Somalia kaga hor yimid heshiiska Dekeda Berbera ee Imaaraadka, Somaliland iyo Ethiopia waxaa uu ka soo horjeeddaa oo meel ka dhac ku yahay heshiisyaddii lagu gaadhay wadda hadaladii Somaliland iyo Somalia ku dhex maray Ingiriiska, Turkiga, Djibouti iyo Imaaraadkaba.

Tusaale ahaan, Apr 13, 2013 go’aamadii shirkii Ankaa lagu gaadhay oo dhan ay ka soo horjeeddaa oo ay ka mid ahaayeen hadii aynu soo qaadano qodobadda koowaad ilaa Afraad sidan. “

  1. In labada dhinacba ay awoodda saaraan sidii ay u sii wadi lahaayeen wada hadallada.
  2. In la taageero qodobadii lagu heshiiyay 21 June 2012 shirkii ka dhacay Chevening House London iyo qoraalladii la kala saxiixday 28kii June 2012 shirkii ka dhacay Dubia.
  3. Wada hadalladu waxa ay dhex marayaan dawladda Federaaka Soomaaliya iyo Somaliland Beesha caalamka waa inay ka shaqaysaa fududaynta wada hadallada markii loo baahdo.
  4. In la dhiiri galiyo fududaynta kaalmada beesha Caalamka iyo horumarinta ay Somaliland helayso.”

Marka ay sidaas tahay, Raysal Wasaare Khayre miyaanu ka soo hor jeeddin in la sii waddo wada hadalka oo qodobka koowaad ah, mar hadaanu ogolayn inuu dhiiri-geliyo horumarka ay Somaliland helayso oo qodobka Afraad ah, miyaanuse ka soo horjeeddin natiijooyinka shirarkii ka soo baxay wada hadaladii la galay. Sidaas darteed, waxaa ay keenaysaa oo Somaliland u furan inay ka fiirsato shirka la filayay inay Somaliland iyo Somalia dhawaan isugu yimaadaan maadaama aan kuwii horeba la ixtiraamin ugu yaraan wixii ka soo baxay. Sidoo kale, waa in madaxda Somaliland fahamto in aanay weli Somalia helin madax u fekeri karta sidii Meles Zenawi u fekerayay sagaashamaadkii. Waayo, Meles wuu fahamsanaa in Ethiopia waayayso marrin muhiim ah markii uu fasaxayay Eritrea. Laakiin, waxaa uu kala doortay inay kala lushaan oo weligoodba colaad ku jiraan iyo inuu dhaqaalaha Ethiopia dhiso oo uu hurro marin biyoodkii wax uga soo degayeen. Waanay shaqaysay oo Ethiopia waa wadamada ugu horumarsan ee dhaqaalohoodu xoogga u kobcayo. Sidoo kale, Cumar Xassan Al Bashiir-ka Sudan waa uu ka war-hayay Saliidda Koonfurta Sudan. Laakiin, waa uu fasaxay si uu uga shaqeeyo horumarka dalkiisa. Waanay shaqaysay. Markaa, Farmaajo iyo madaxda Somalia ee waqtigan ma jiro masuul is weydiin karra maxay Somalia ku waayaysaa Ictiraafka Somaliland. Maxayse ku heli kartaa? Marka ay sidaas tahay, waxaa haboon in aan Somaliland isku mashquullin ee ay u diyaar garowddo dagaalka lama huraanka ah ee imman karra haddii Indho La’aantani sii jirto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.