Hargeysa, Somaliland, December 21, 2015 (Saxafi) – Waxa si xidhiidha u socda Kulamadii ay Guddida Sicir bararka Madaxweynuhu u magacaabay ay maalmahan shirar kala duwan la yeelanayeen Masuuliyiinta Sarsare ee Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Shirkadaha xawaaladaha iyadoo ay galabtana guddidu la kulmeen Maamulka iyo Masuuliyiinta sare ee Shirkadda Dahabshiil Group.

Haddaba kulankan galabta oo ka qabsoomay Qasriga madaxtooyada ayaa lagu lafa-guray arrimo dhawra iyadoo la is dhaafsaday fikiro muhiima oo furre ama dariiq u noqon kara xal u helida sababaha keenay in sicirku kor u kaco.
Shirkan ayaa la xidhiidha ama daba socda shirar dhawra oo gudidu hore ula yeelatay Sariflayaasha, Shirkadaha & dad ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha iyo sicirka lacagta, iyagoo halkaa ka sii wadi doona dedaalka ay ugu jiraan shirar noocan ah, iyadoo guddidu shirar la yeelan doonto cid kasta oo ay u arkaan in ay fikrado iyo talooyin la xidhiidha sidii loo soo afjari lahaa sicir bararka dalka ka jira, ujeedada guddiduna taasi ku qotonto ama salka ku hayso.
Ugu danbayn waxa halkaasi lagu falanqeeyey oo ay guddida iyo Masuuliyiintii ka socday Shirkada Dahabshiil Group kaga wada hadleen arrimo muhiima oo la isla qaatay in ay xal u noqon karto in halkiisi lagu soo dabaalo sicir bararka saameeyey suuqyada waa weyni iyo dhaqaalaha dalkaba.”