Hargeysa, Somaliland, December 1, 2015 (Saxafi) – Galinkii hore ee Isniinta shalay ayuu nin Taraafik ah ku jiidhay Badhtamaha Suuqa Hoose ee Hargeysa Gaadhi Vitz ah (Tukhaan).
Askarigan la Jiidhay ayaa uu Madaxa dhaawac ka gaadhay sida warku sheegay waxaana Loola Cararay Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

“Ninkii Taraafik-ga ahaa oo Duulaya ayaa ku dhacay Albaabka Bas meesha taagnaa waxaana kala dilaacay Madaxa markuu dib dhulka ugu soo dhacayna wuu sii jiitay, Bas wayn ayaana ku hor qabtay. Baabuurkii yaraa oo joojiyay” Sidaa waxa warbaahinta u sheegay Goobjooge ku sugnaa Goobta lagu jiidhay Ninka Taraafik-ga ah.
Goobta shilkani ka dhacay oo aan waxbadan ka fogayn saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayaa waxa markiiba soo gaadhay Ciidanka Booliska oo Xabsiga u taxaabay Gaadhigii Yaraa iyo ninkii Watay oo u muuqday Nin Dhalinyaro ah.
Dhinaca kale Nin kii Taraafik-ga ahaa ayaa markiiba loola soo Cararay Dhinaca Dhakhtarka Wayn iyadoo la dhigay Qolka Qaliinka Deg Deg Dega ah si loo Furdaamiyo Xaaladiisa.