Mulkiilihii – Hargeysa, Somaliland, December 1, 2015 (Saxafi) – Xeer ilaaliyaha guud ayaa shalay xabsiga u taxaabay laba weriye, oo kala ah Siciid Khadar Aw Cabdillaahi oo ahaa tifaftirihii Wargeyska Hubsad iyo Mulkiilihii Wargeyska Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays.
Xeer ilaaliyaha guud ayaa la weriyay inuu shalay subax amray xadhiga weriyeyaashan oo ku gudo jira Waajibaadkoodii shaqo.
Labada weriye ee Siciid Khadar Cabdillaahi iyo Cabdirashiid Nuur Wacays ayaa in muddo ah ka dhursugaayey dacwad aan la garanayn meesha ay ka soo baxday iyo cidda dabada ka wada, taas oo lagu wergeliyey inay Maxkamadda u taalo. Ma jiro wax war ah oo si rasmiya uga waramaya xadhiga weriyaashan.

Waxa kaloo, xusid mudan inaanu wargeyskani soo bixin in muddo ah, kaas oo ka dhursugaayey dhawaaqa maxkamadda iyo xeer ilaalinta, oo in muddo ah dacwad ku waday sharciyada wargeyska Hubsad oo aanay si toosa u muuqan cidda dabada ka wadaa.
Si kasabata ha ahaatee waxa arrintani imaneysaa iyadoo maalin uun uu dalka ka maqan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka Prof Aadan Xaaji Cali oo maalintii dorraad dalka ka dhoofay.