WorldRemitAds
Gaalkacyo, Somalia, December 1, 2015 (Saxafi) – Maamuladda Soomaaliya ee Puntland iyo Galmudug, ayaa la sheegay inay ogolaadeen dhex dhexaadin laga dhex waddo si loo soo afjaro dagaaladdii dhowaan ka dhacay maamuladaasi.

Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wareejiyay maxaabiis dagaalladii ka dhacay dhawaan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo jeeda Puntland, iyadoo maxaabiistan oo uu wareejiyay Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariin Guuleed ay tiradoodu ahayd sagaal qof.
Gaalkacyo - Galmudug Iyo Puntland Oo Ogolaaday Qodobo Lagu DhexdhexaadiyayMadaxweynaha Galmudug, Cabdikariin Guuleed iyo Raysal wasaaraha Somalia Sharma’arke ayaa sheegay inay isla meel-dhigeen afar qodob oo xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo lagu xallinayo.
“Masuuliyiinta ka socda dowladda Somalia iyo maamul-goboleedyada Gaalkacyo u yimid xallinta colaadda ka taagan waan u mahad-celinaynaa; marka labaadna waxaan aqbalnay 4-qodob oo ay xubnahan noo soo jeediyeen, kuwaas oo lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo,” ayuu yidhi Guuleed.
Guuleed oo sii hadlayay ayaa sharraxay afarta qodob ee loo soo jeediyay oo lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo ka taagan, kuwaas oo uu xusay inay dhankooda ku aqbaleen si shuruud la’aanta ah; waxayna kala yihiin afarta qodob.
  1. In dhammaan xabbadda iyo dhammaan muuqaallada colaadeed la joojiyo
  2. In Ciidamada is-hor-fadhiya la kala Qaado.
  3. In dadkii magaalada ka barakacay la soo celiyo.
  4. In la dhiso guddi kawada hadla dhibka jira, guddigaas oo ay soo dhisayaan dhinacyada kala duwan iyo dowladda federaalka Somalia.
“Waxaan raysal wasaaraha Somalia ku sharafnay inaan ku wareejinno sagaal qof oo ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo; kuwaas oo intii aanu haynay aan si wanaagsan ula dhaqannay, innagoo u arkaynay inay yihiin dad walaalaheen ah,” ayuu intaas ku daray Madaxweynaha Galmudug.
Dhanka kale, Raysal wasaaraha Somalia ayaa isagana sheegay inay ka go’an tahay in xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo xal-waara laga gaadho, isagoo intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay maxaabiista uu Madaxweynaha Galmudug ku wareejiyay iyo sida ay u aqbaleen qodobadii ay soo jeediyeen si loo xalliyo colaadda ka jirta Gaalkacyo.
“Waxaan ku faraxasan-nahay in afartii qodob ee aan soo jeedinnay ay madaxda Galmudug nala qaateen; weliba waxaan kusii adkeynayaa in colaada la joojiyo iyo in labada dhinacba ay isku waqti ku baaqaan nabad, ayna yidhaahdaan wixii maanta ka dambeeya colaadi kama dhacayso magaaladan,” ayuu Raysal-Wasaare Sharmaarke ka yidhi shirka jaraa’id.
Raysal wasaaraha Somalia ayaa intaas ku daray in fulinta qodobbadan ay billaabi doonaan mar Alle iyo markii dhinacyadu ay ku dhawaaqaan baaqyadooda nabadeed, isagoo ku daray intaas inuu kaga mahad-celinayo Madaxweynaha maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo ee ka soo jeeday Puntland oo tiradoodu ahayd sagaal askari.
Madaxweynaha Puntland ayaa isna ogolaaday wada hadalkaasi, isla markaana sheegay inuu isna maxaabiista ay ka qabteen ku wareejin doonaan Raysal wasaaraha Somalia.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.