WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, January 5, 2019 (Saxafi) – Maxkamada gobolka Maroodi jeex ayaa xayirtay wakhtiyad habeenkii inuu shaqeeyo hoteel Hargeysa ku yaal oo la yidhaahdo Beerta libaaxyadda oo ahaa huteel habeenkii lagu caweyn jirey.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Huteelkan waxa cabasho ka soo gudbiyey sida warku sheegay dadweynaha la jaarka ah, isla markaana waxay boolisku cabashaadasi u gudbiyeen maxkamada gobolka Maroodi jeex,taasina waxay keentay in huteelka habeenkii aanu shaqayn inta dacwadu socoto

Eedaha ay dadweynuhu usoo gudbiyeen booliska waxa ka mid ahaa in hoteelka sameecado waaweyn oo heeso iyo miisiga habeenkii ka baxaan oo jaarku ka seexan waayo, in dumar aan asturnayn ku caweeyo hoteelka iyo in maandoorayaal lagu iibiyo hoteelka wakhtiyad habeenkii.

Maxkamada gobolka marka ay eegtay dacwadaasi laga soo gudbiyey waxay soo saartay go’aan ah in wakhtiga habeenkii oo ka bilaabmaya lixda makhribnimo illaa lixda subaxnimo aan la furi Karin hoteelka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Go’aanka maxkamaddu waxay u qornayd sidan:

  1. Waxay maxkmadu xayirtay xilli gaar ah oo habeenimo oo ka bilaabmaysa lixda habeenimo ilaa lixda subaxnimo huteelka beerta libaxyada ee ku yaala degmda gacan libaax ee magaaladda Hargeysa.
  2. Xayiraadan waxay ahaanaysaa mid taagan illaa inta go’aan ka soo baxayo dacwada ka dhanka ah huteelkan ee hay’ada sharciga soo gudbiyeen.
  3. Cidii xayiraadan maxkamadda u hogaansami waydaa waa in la soo qabtaa oo sharciga la horkeeno isaga oo maxbuus ah.

Waxaana amarkaasi xayiraada ku saxeexnaa garsooraha gobolka Maroodi jeex Axmed Dalmar Ismaaciil.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.