WorldRemitAds

Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Boorama

Labadii ilaa saddexdii maalmood ee ugu dambaysay ayaa guud ahaanba dadweynaha Somaliland hadal-hayaan tobannaan qof oo ciidamada Leu Booliska Itoobiya ku xasuuqeen tuulo ama magaalo ku dhaw degaanka Gaashaamo ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale ayaa la hadal-hayaa cadaawadda iyo arxandarada ciidanka leu Booliska ka amar qaata Madaxweynaha Kililka Shanaad ku laayeen dad shicib ah oo maato, waayeel iyo haweenba leh ilaa imikana cid wax qabatay aanay jirin ama ka garawday waxa ka dhacay dhulkaasi.

SomlegalAds

Dadkan oo loo laayey isir ahaan ama reer Somaliland ahaan ayaa markii u horreysay waxa ka hadlay odayaal ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo si dabacsanaan oo walaalnimo ku jirto ula hadlay ciidankaasi iyo Madaxweynaha kililka shanaad balse walaalnimadaasi ku dhacayso dhegeha cid aaminsan inay ka awood roontahay, walaalnimadaasina u haysta baryo.

Haddaba marka dib loo raaco taariikhda iyo habdhaqanka ciidanka Leu Booliska ee Soomaalida Itoobiya iyo nacaybka ay u qabaan dadka iyo dawladda Somaliland ayaa cid kastaa ogeyd xasuuqyo iyo xadgudubyo ay horeba uga geysteen dalka gudihiisa iyo debeddiisaba. Hadh cad ayaa la ogaa sidii ay gaadiid iyo dadba uga kaxaysteen Balligubadle laba sano ku dhawaad ka hor. Hore ayaa loo ogaa inay dad iyo xoolaba uga kaxaxaysteen dalka gudihiisa, waxana aan loo calaacalin tobanaan qof oo isir ahaan loogu laayey magaalooyin badan oo ku yaalla gudaha Kililka ayna ka mid ahaayeen Raamaale, Harta Sheekh, iyo kuwa kaleba tan maanta dhacdayna kama duwana weeraradii horeba shicibka dhulkaasi uu ciidankaasi ugu layn jiray, waxa qudha ee uu kaga duwanyahayna ay tahay khasaaraha nafeed ee kan ugu dambeeyey ay geysteen oo aad u badan.

Haddaba falalkan ama tacaddiyada ciidanka Leu Booliska Itoobiya u geystay muwaadiniinta ku abtirsata Somaliland ayaa inta badan dhacayey tobankii sanadood ee ugu dambeeyey gaar ahaanna waxay sii xoogeyteen intii dalka u xukumayey xisbul-xaakimka wakhtigan ee KULMIYE. Inkastoo xukuumadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsan iyo heshiisyo tiro badan, waxase aad moodaa inaanay xidhiidhadaasi u cuntamayn Dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya oo mar walba wax heshiisyadaasi burburin karaa ka imanayaan,

Inkastoo la saadaalinayo in wefti ka socda xukuumadda Federaalka Itoobiya arrintan darteed u iman doono Somaliland, hase yeeshee dhibaatooyinka ciidankaasi u geystay shacbiga ka soo jeeda dalkani maaha mid ka dhalatay maalin iyo laba lagu daaweyn karo, waana goor dambe in reer Somaliland ogaadeen cadaawadda, maamulkaasi u hayo dadka asal ahaan ka soo jeeda dalkan ee ku hoos nool maamulka Kililka Shanaad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.