WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 10, 2016 (Saxafi) – Ganacsatada xoolaha ka dhoofisa dekada Berbera ayaa ka cabanaya lacag xiligan lagu kordhiyay xoolaha dhoofaya, waxaanay sheegeen in lacagtaasi aanay ahayn tii cashuurta dawlada ahayd.

Warkan oo lagu baahiyay shabakadda wararka Intarnetka Hadhwanaag, waxaa uu intaas ku daray in ganacsatadda cabanaysa xoolahoodii ku xaniban yihiin albaabka xooluhu ka galaan dekada Berbera.

Mid ka mida ganacsatada xoolaha dhoofisa oo habeen hore Hadhwanagnews kula xidhiidhay khadka taleefanka ayaa ku eedeeyay Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Masuuliyiinta Maxjaradda Berbera inay masuul ka yihiin kordhinta lacagta xoolaha laga qaado.

SomlegalAds

 Isagoo faaah faahinayana arrintaasna waxaa uu yidhi: “Iyadoo marka horeba culays badani saarnaa ganacstadda xoolaha dhoofisa ayaa iminkana naloo heshiiyay oo xataa wasiirkii xanaanada xooluhu ka qayb qaatay,” Ayuu yidhi.

Ganacsadahan oo dalbaday in aan magaciisa la xusin waxa u sheegya in lacagta la kordhiyay tahay 2 doolar calaa neef, waxaani yidhi. “Labadaa doolar hal iyo todaba senti waxaa leh maxjatrada, halka wasiirkana la siiyay 3 senti calaa neef,”

 Arrinkan waxaan u aragnaa ayuu yidhi ganacsadahani shuraako naloogu heshiiyay, maadaama aan madaxa la galnay xiligii moosinka xajka oo sadex milyan ugu yaraan ay ka dhoofayaan dekada Berbera.

Ganacsatadan oo habeen hore isugu yimid albaabka xooluhu ka galaan dekada Berbera ayaa sidoo kale wariyaasha goobta tagay u sheegay in agaasimaha wasaarada xanaanada xooluhu u sheegay in ay lacagta iska bixiyaan hadii kale aanu xoolahoodu dhoofayn.

 Dhinaca kale, mar saxaafadu wax ka waydiisay agaasimaha wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cali, arinkan waxaa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Ma hayo anigu meel lacag lagu kordhiyay wax warqad ahina imay soo gadhin,”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.