WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 10,2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa ka hadlay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey tuuladda Jaamac Dubad ee hoos taga degmadda Gaashaamo ee bariga Itoobiya.

Madaxweyne Siillaanyo ayaa sheegay inuu aad uga damqadday dhibaatadda soo gaadhay dadkaasi shacabka ah ee iskugu jiray rag, dumar iyo caruurta lagu laayey deegaankaasi, waxaanu ugu baaqay dadka deegaanku inay is dajiyaan oo ay amniga ka shaqeeyaan.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Dawladda iyo kan shacbiga Somalilandba waxa uu dhammaal tacsi ah u dirayaa, dadkii isugu jiray waayeelka, caruurta iyo haween ee ku naf waayey dhiilladii, ka dhacday Jaamac Dubbad ee degmada Gaashaamo ee gobolka Jarar ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

SomlegalAds

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu aad uga damqaday dhibaatadaasi soo gaadhay dadkaasi shacabka ah, waxaanu ugu baaqay dadka deegaankaasi inay is dejiyaan oo aanay marnaba ku tallaabsan dhibaato dhibaato lagu saxo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyey dawladda Federaalka ee Itoobiya iyo dawlad deegaanka Soomaalida itoobiyaba, in shacbiga la ilaaliyo nabadgelyadooda, iyo hantidoodaba, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shacbiga deegaanadaasi inay ka danbeeyaan, lana shaqeeyaan dawladdooda, waxgaradka, iyo waayeelka deegaankaasina ay dawladdooda kala shaqeeyaan sidii xaalada loo dejin lahaa, amnigana loo sugu lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbigii ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Dhacdadan uu madaxweynuhu ka hadlay ayaa doraad ka dhacday tuulada Jaamac Dubad oo hoos timaadda degmadda Gaashaamo ee bariga Itoobiya, kuwaas oo dad shacab ah oo lagu qiyaasay 21 qof oo iskugu jira rag iyo dumar lagu laayey deegaankaasi, iyadoo tiro intaas ka badana lagu dhaawaacay.

Dhacdadan ayaa labaddii maalmood ee u dambeeyey lagu hadal hayey magaaladda Hargeysa, kuwaas oo dadweynuhu aad uga xumaaday dilkaasi foosha xun ee ciimadda Itoobiya ka geysteen deegaankaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.