WorldRemitAds

Arrimo badan oo qofku sameeyo ayaa dhibaato ku noqon kara soonka, kuwaas oo la xidhiidha cuntooyinka iyo cabitaanada, gaar ahaan wakhtiyada habeenkii sida afurka, cashada iyo Suxuurta, wakhtiyadaa kala duwan waxa cuntooyinka iyo cabitaanada qaarkood dhibaato ku noqon karaan, soonka maalintii iyo in qofku habeenkii si raaxo leh oo caafimaad qab ah u ledo.

In badan oo ka mid ah dadka soomaya ayaa aaminsan in wakhtiga habeenkii gaar ahaan marka laga gudbo afurka aanay, cuntooyinka iyo cabitaanadu wax dhibaato ah ku noqon Karin ama soonkiisa aanay dhibaato ku keeni Karin, sidaa awgeed waxaynu halkan akhriste idiinku soo gudbin doonaa, xiliyada cuntooyinka iyo cabitaanadu dhibta u leeyihiin soonka qofka.

Biyo badan oo la cabo wakhtiga suxuurta ka hor intaan soonku galin, ayaa dadka badankoodu aaminsan in maalintii haraadka iyo qalaylka jidhka ka ilaaliso, laakiin waxa sida baadhitaano caafimaad cadeeyeen, taa badalkeeda ay biyaha badan ee wakhtiga Suxuurta la cabaa qofka ku keentaa dhibaato iyo in maalintii uu aad u haraado.

SomlegalAds

Baadhitaano caafimaad oo lagu sameeyay dadka soomaya ee wakhtiga Suxuurtii biyaha badan caba, ayaa lagu ogaaday, in kelyuhu marka biyo badani jidhka soo galo ay bilaabaan inay sifeeyaan, ka dibna qashin saar badan sameeyaan, taas oo keenta in kaadi badan qofku yeesho, waxaanay taasi ku keeni kartaa, qofka soomaya in jidhkiisa biyuhu ka dhamaadaan oo qalayl uu dareemo.

Waxyaabaha caafimaad ahaan qofka u fiican ee ka yarayn kara haraadka maalintii, aadna ugu wanaagsan in wakhtiga suxuurta uu qaato, ayay dhakhaatiirtu tilmaameen in khudaartu ugu wanaagsan tahay, gaar ahaan noocyada biyuhu ku badan yihiin, sida xabxabka, Shamaamka iyo tufaaxa, khudaartan oo si qunyar, Qunyar ah jidhka biyo u siiya, kelyahana aan ku kalifayn inay dheef shiid iyo kaadi badan sameeyaan.

Xiliga afurka dad badan ayaa jecel inay biyo ama sharaab qabow oo baraf leh cabaan, laakiin waxa cabitaanada qabow ee qofku afurka cabaa, ku keeni karaan caajis sababa in maskaxdu ka gaabiso dheef shiidka cuntada, culays badana uu dareemo.

Khubarada cuntada iyo biyaha aadamiga ayaa dadka sooman kula talinaya in wakhtiga afurka ay bilaabayaan ee soonka ay furayaan, ay ku bilaabaan biyo aan qaboobayn oo wax baraf ah aan lagu darin, ka dibna marka ay casheeyaan cabaan biyo qabow haddii ay doonaan, si ay uga badbaadaan culays maskaxda ku dhaca.

Xiliga afurka waxa wanaagsan in qofku aanu u dhawaan cuntooyinka la shiilo, sida baradhada Jibista ah, beedka iyo kabaabka, cuntooyinka noocaas loo sameeyaa, waxa ay dhibaato badan u gaystaan qaybaha dheef shiidka ee qofka, waxaanay deg deg ugu keeni karaan, in calooshu casirto iyo in jidhku ka biyo diido cuntada oo qofku dareemo yalaalugo badan.

Cuntooyinka macmacaanka ah, sida xalwada, buskudyada iyo waxyaabaha macaanku ku badan yahay, waxa u wanaagsan in qofku iska yareeyo inta uu ramadaanta ku jiro, sababtoo ah macmacaanku waxa uu sameeyaa baruur badan oo jidhka fuusha, gaar ahaan wakhtiyada uu qofku maalintii oo dhan soo soomanaa, haddii uu afurka ka dib wax aad u macaan cuno, waxa degdeg jidhkiisa u gala, dufanka halista badan ee dhiiga raaca ee afka qalaad loogu yeedho, Cholesterol-ka.

Ugu danbayntii waxa qofka soomaya looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo wakhtiga Suxuurta, cuntooyinka basbaaska iyo dhanaanku ku badan yihiin, cuntooyinka basbaaska badan lagu daraa, waxay qofka sooman ku abuuraan haraad badan, oo waliba ah ka ugu xun ee qalajiya hunguriga, kaas oo qofku marka ugu horeeya bilaabo qufac qalalan, xiiq faro badan, ka dibna awoodi kari waayo, hadalka iyo shaqada.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.